Search

Ciidanka Bilayska Somaliland Oo Ku Guulaystay Inay Gacanta Ku Soo Dhigaan Gaadiid Si Qarsoodi Ah Ay Masuuliyiinta Hallo-Trust Dalka Uga Dhoofinayeen, Dirwalladii Qaar Ka Mid Ah Oo Baxsaday Iyo Gaadiidkan Oo Ku Xidhan Xarunta C.I.D-da

Hargeysa, Dec 7, 2017 (Foore)- Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa kuu guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan Gaadiidka Cusub oo ay Leedahay Hay’adda Mino saarta ah ee Halo-Trust oo si qarsoodi ah loogu gudbinayay Dalka aynu Jaarka nahay ee Soomaaliya,waxaana gaadiidkaasi iyo Qaar ka mid ah Dirwaliintii Gaadiidkaasi waday ay hadda ku xidhan yihiin Xarunta Dambi Baadhista Somaliland ee C.I.D-da.
Gadiidkan oo ka kooban sida lanoo xaqiijiyay Afar Gaadhi oo Nooca loo yaqaan Hard-top-ka ah ayay ciidamada Booliiska ka soo qabteen Kantarooladda Dhinaca bariga ee Magaaladda Hargeysa waxana la noo xaqiijiyay in Gaadiidkaasi oo hore Wasaaradda Maaliyadu u xayirtay islamarkaana ay ku amartay inaanay dalka dhinacna u dhaafi Karin maadaama oo ay Hay’addu cashuur dhaaf ku soo gashatay Dalka ayay doonayeen inay Masuuliyiinta Hay’addani si qarsoodi ah wakhtiga kala guurka ah uga fakadaan Somaliland,waxaana Gaadiidkaasi iyo Dirawaladii waday oo la sheegay inay yihiin Dirawaladda Kirada ah ee gaadiidka ka soo kaxeeya Dekeda Berbera ay ku xidhan yihiin Xarunta Dambi Baadhista Somaliland ee C.I.D-da,halkaasi oo lagu baadhayo Arintantooda. Wararkan ayaa intaasi ku daray in qaar ka mid ah Dirawaladii Gaadiidkaasi waday ay cagahooda kaga baxsadeen Ciidanka,markii Gaadiidka lagu hor joogsadaT Kaantaroolka.
Gaadiidkan ayaa waxa leh oo la soo degtay Hay’adda Mino Saarta ah ee Hallo Trust, Xaruntooda Somaliland ee ku taala magaaladda Hargeysa,waxaanay muddo Saddex Sanno ku dhawaad ah oo ay joogeen Hargeysa,islamarkaana ay ku xeraysnaayeen Xaruntooda Hargeysa ay doonayeen inay u gudbiyaan Magaaladda Baledweyn ee Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya,iyadoo arintaasi ay si toos ah uga hor imanayso Qasdigii ama ujeedkii gaadiidkaasi markii hore sharciga lagu siiyay oo ahaa inay ka mid noqonayaa Gaadiidka Hay’addu leedahay ee ka hawlgala Somaliland, islamarkaana loo sameeyay Cashuur dhaafkii Gadiidka Hay’addaha loo samanayay,balse sida la sheegay waxa ay ka dhigan tahay ficilkan ay hadda Masuuliyiinta Hallotrust kula kacayaan Somaliland inuu yahay mid ula kaca ah oo u baahan in sharciga la mariyo maadaama oo ay wax isku ogaayeen Dawladda iyo Masuuliyiinta Hay’addu,kaasi oo ahaa inaan gaadiidkaasi dhul aan Somaliland ahayn lagaga shaqayn Karin,balse haddii ay damcaan inay iska bixiyaan cashuurta ku waajibtay oo sifo sharci ah gaadiidkaasi ugu gudbiyaan Soomaaliya.
Waa markiii labaad ee gaadiidkaasi ay soo qabtaan Ciidamada Booliiska Somaliland ee ka hawlgalla kaantarooladu,waxaanay sannad ka hor sidan oo kale Masuuliyiinta Hay’addani iskugu dayeen inay si qarsoodi ah dalka uga saaraan gaadiidkan,iyagoo doorkan la eegtay inay Wakhtigan kala guur ah ee doorashada laga soo baxay islamarkaana lagu mashquulsan yahay xil wareejinta Labada Madaxweyne ay si dhuumasho ah u fushadaan fal dambiyeedkan oo hore uga fashilmay balse Ciidamada Booliiska oo wakhtigan heegan iskaga jira islamarkaana la socday gaadiidkan iyo guud ahaan dhaq dhaqaaqyad Gadiidka kale ee Dawlada ayaa todobaadkan gacanta ku dhigay islamarkaana Gaadiidkan iyo Dirawaladoodiiba jeelka Xabsiga u taxaabay.
Sida Warbixintan aanu ku helnay,waxa ay Hallotrust gaadiidkaasi u dhiibeen oo u kaxeeyay Dirawalo kiro ah oo la sheegay inay ka kiraysteen Shirkad caan ah oo gaadiidka Dekeda Berbera ka soo daabusha,waxaanay dirawalada Shirkaasi gaadhsiinayeen Magaalada Laascaanood ee Caasimadda Gobolka Sool halkaasi oo ay ku sugayeen Dirawalo kale oo la sheegay inay iyagu ahaayeen kuwo u talaabinayay dhinaca maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland halkaasi oo la doonayay inay Gaadiidkaasi uga sii gudbaan Dhinaca Magaalada Baled weyn,waxaasi aad ugu adkaatay dirawaladii inay ka gudbaan Kaantarooladda Dhinaca bari ee Magaaladda Hargeysa inkasta oo ay ahaayeen dirawalo jidkaasi caan ka ah oo ciidanka jidkaasi ay aad isku garanayaan balse ciidanka ayaa arintaasi ku guulaystay inay gaadiidkaasi mar kale ku soo celiyaan gacanta dawlada Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *