BREAKING NEWS
Search

Ciidanka Asluubta Oo Ka Dayriyay Xaaladda Caafimaad Ee Maxaabiista Jeelka Burco

Burco (Foore)- Masuuliyiinta ciidanka Asluubta iyo ta xabsiga Dhexe ee magaalada Burco ayaa si weyn uga dayriyay xaalada caafimaad ee xabsigaasi ka jirta iyo arrimo kale oo dhibaato ku haya maxaabiista jeelkaasi ku xidhan.

Qaylo-dhaantan ayaa lagu sheegay Munaasibad uu xilka kula wareegaayay taliye cusub ee ciidanka Asluubta Burco loo magacaabay Jaamac Baadi Cawad ka dib markii uu dhawaan geeriyooday taliyihii ka horeeyay ee ciidankaasi haystay Alle hawnaxariistii Jaamac Axmed Qodax.

“Marka hore hadaan xabsigan idiinka warbixiyo ,xabsigani waa xabsi guun ah oo waxa la dhisay 1942-kii, waxaana nalagu yidhi waxa loogu talogalay in lagu xidho Lixdan Qof , imika waxa lagu xidhaa Afar Boqol Oo Qof wax ku kordhay dhismaha xabsiga oo la sheegi-karaana ma jiraan marka laga tago sedex qol oo yar yar oo dhawaan lagu daray oo mid sodon qaada marka la cidhiidhiyo.

Subaxan saaka ah ee aynu joogno waxa ku dad tiradoodu gaadhayso 217-Qof mararka qaar-na Afartaa Boqol ayuu gaadhaa ,waxaanu anagu u aragnaa xabsigan meel aad loogu baahanyahay waxaanu u aragnaa meel faraha laga qaaday oo dadweynihii reer Burco iyo Somaliland-ba faraha ka qaadeen sidaa awgeed waxaanu idinka codsanaynaa in dhibaatadaasi wax laga qabto oo dhismaha xabsiga dib loo eego “ Sidaasi waxa yidhi taliyaha xabsiga Burco Axmed Geele Oday.

Hoggaanka ciidanka Asluubta Siciid Yuusuf Cilmi oo isna halkaasi ka hadlay ka dayriyay xaalada caafimaad ee xabsigaasi waxaanu yidhi .” Sida uu sheegay taliyaha xabsigu Lixdan qof ayaa loogu talogalay in lagu xidho wakhtigii Ingiriiska maantana Afar Boqol ayuu madaxa la galay sidaa darted xaqiiqada hadaan idiin sheego xabsigan oo aad gudaha u gasho meeshaa dadka baaxadaalihi ku xidhanyihiin cidhiidhiga haysta iyo khashinkooda madaxa ayaa ku xanuunaaya waxaana ka iman karta caafimaad-daro magaalada waxyeelaysa ,markaa waxaan dadweynaha reer Burco ka codsanayaa madax iyo shiciba in ay arintaa dib u eegaan oo xabsigaas iska hagaajiyaan anaguna wixii awoodayada ah waanu qabanaynaa,” Sidaasi ayuu hugaanku hadalkiisa kaga baxay waxaanu bulshada reer Togdheer ku booriyay in ay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee asuulbta Togdheer.

Jaamac Baadi Cawad taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Burco oo isna madashaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa balanqaaday xilkan loo igmaday in uu si daacad ah u gudan-doono isla markaana hoosta ka xariiqay dhibaatooyinka ka jira xabsiga dhexe ee magaalada in uu u hawlgalidoono sidii wax looga qaban-lahaa intii awoodooda ah ,waxaanu bulshada ku dhaqan magaalada Burco usoo jeediyay in ay la shaqeeyaan.

Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay taliyahan cusub ee Asluubta loo magacaabay waxaanu sheegay taliyahani in uu khibrad u leeyahay xilkan loo dhiibay.

Caaqil Baashe Muuse iyo Caaqil Nuur Rayte oo iyna ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay Xukuumadihii dalka soo maray habayaraatee in aaney jirin mid xaqeeda siisay isla markaana waxay Xukuumadda jirta ku wargaliyeen in looga fadhiyo dhismaha jeelka weyn ee Burco.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *