Search

Ciidamo Wasaarada Waxbarashadu Soo Dirtay Oo Xoog ku Kala Dareeriyay Arday Wax Ka Baranaysay Dugsiyo Gaar Loo Leeyahay Iyo Maamulayaal Saldhigyada Lagu Guray.

Hargeysa(Foore) – Ciidanka bilayska Somaliland ayaa Albaabada u laabay qaar ka mid ah dugsiyada gaar loo leeyahay oo ay arday wax ku baranaysay kuwaasi oo hore wasaarada Waxbarashadu ugu amartay inaanay furin ka hor intaan la furin dugsiyada dawlada oo hada fasax ku jira,Sidoo kale waxa ay ciidamadaasi xidh xidheen maamulayaashii dugsiyadaasi lahaa qaarkood.
Sida warar xalay wargeyska Foore helay lanoogu sheegay,Ciidamadan oo ay wasaarada Waxbarashadu soo abaabushay ayaa waxa ay ka dul dhaceen qaar ka mid ah dugsiyo gaar loo leeyahay oo wax lagu baranayay waxaanay ciidamadu kala dareeriyeen ardaydii iyo macalimiintii markaa ku dhex sugnaa,iyagoo isku meegaaray iskuuladaasi qaarkood oo la wareegay. Sidoo kale waxay xabsiga u taxaabeen Qaar ka mid ah Maamulayaashii dugsiyadaasi,kuwaasi ilaa xalay sida lanoo xaqiijiyay Xidhnaa. Qaar ka mid ah dugsiyada ciidankani weerareen Shalay oo aanu magacyadooda helnay ayaa waxa ay kala ahaayeen Dugsiga Furqaan,Al-Xaramayn, Umulquraan iyo Alqudus. Dugsiyadaasi ayaa aad loo amaanaa waxbarashadooda waxaana sida la sheegay wakhtigii ay furnaayeen ka aflaxay Kumaan arday oo reer Somaliland.
Inkasta oo Wasaarada Waxbarashadu soo saartay Doraad amar ay uga digayso dugsiyada gaarka loo leeyahay inay furaan dugsiyadood ka hor intaan la furin dugsiyada Dawlada oo ay ku amartay in isla wakhti iskuulada dawlada la wada furo ayaa hadana waxay Masuuliyiinta dugsiyadani ku doodayaan inay dugsiyada Dawlada intaan la fasaxin iyagu bil ka hor ay sii fasaxeen,oo labadii bilood ee fasaxu bishani 8-aad ugu buuxo, islamarkaana aanay imika haboonayn in amar lagu soo rogo ee ay ahayd markaa hore in laga sii wada shaqeeyo. Sidoo kale waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan dugsiyadan ayaa u arka Amarka wasaarada Waxbarashada mid qalalan oo aan jid hore oo wada shaqayneed haysan oo ay ka haboonayd inay wasaaradu marka hore dugsiyada gaar loo leeyahay wada shaqayn usii muujiso.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *