Ciidamo Masaari Ah Oo Oo Badbaadiyay Markab U Rarnaa Ganacsato Reer Somaliland Ah Oo Dhawr Maalmood Heehaabayay Badda Cas

Saylac (Foore)    Ciidamada badda ee dalka Maser ayaa waxaa ay bad baadiyeen markab u rarnaa ganacsato reer Somaliland ah oo wakhti uu marayay Badda Cas ay cilladi ku timid isaga oo muddo dhawr sacadood ahna dulsabeynayay biyaha Badda Cas.

 

Markabkan waxaa sarnaa 14- badmaax oo la sheegay inay ku sugnaayeen xaalad halis ah markii ay galeen xaalad go’doon ah islamarkaana ay ku dhacday cunto la’aan iyo biyo la’aani, waxaana markii dambe u gurmaday ciidamada badda ee dowladda Masar oo ku sugan goob ka mid ah biyaha caalamiga ah ee Badda Cas kuwaasi oo u soo diray diyaarad kuwa militariga ah.

 

Shaqalaha saarnaa markabka u rarnaa ganacsatada reer Somaliland ah ee la badbaadiyay ayaan si dhab ah aan loo ogeyn halka ay ukala dhasheen, iyadoo ilaa iyo imika arintaasi aan wax faah faahin ah laga bixin.

 

Majiro wax war ah oo ilaa iyo iminka ka soo baxay ganacsatadii Soomaalida ahayd ee uu markabkani u rarnaa, inkastoo Ciidamada badda ee Masar ay ku guulaysteen inay badbaadiyaan Markabkaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay ayay soo baxayeen wararka sheegaya in markabkaasi xaaladiisu aad u liidatay oo laga dayrinayay fursadda lagu badbaadin karo iyada oo ay wararku sheegayeen in uu markabkaasi si bilaa kaantarool ah u heehaabayay biyaha badweynta Cas gaar ahaan meel u dhaxaysa dalalka Somaliland iyo Yemen. Ma aha markii ugu horraysay ee ciidamo shisheeye ahi badbaadiyaan maraakiib u soo socotay dalalka Geeska Afrika waxaana sannadkan oo kali ah ciidamo shisheeye ahi badbaadiyeen lix markab oo isugu jiray kuwo ganacsi iyo kuwo u rarnaa dalal kale kuwaasi oo marayay inta u dhaxaysa dalalka Somaliland, Yemen iyo Cummaan




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *