Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Dad Rayida Badhna Laayay Badhna Dhaawac Ku Kaxaystay Deegaanka Xalaxlis

Magacyada Dadka Dhintay Iyo Kuwa Dhaawaca Ah Iyo Xaalad Colaadeed Oo Deegaankaasi Saamaysay

Gaashaamo (Foore)- Ciidamo Itoobiyaan ah oo hubaysan ayaa shalay subaxnimadii hal qof ku dilay shan kalena ku dhaawacay meel u dhaw xudduudda Somaliland iyo Itoobiya kuna beegan deegaanka Xalaxlis ee gudaha dalka Itoobiya.

Ciidamadda Itoobiya oo aanay dadka deegaankaasi si rasmi ah u kala caddayn in ay ahaayeen kuwa federaalka Itoobiya iyo ciidanka loo yaqaano Liyuu Boolis ee sida gaarka ah uga amar qaata madaxweynaha Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) ayaa falkan foosha xun gaystay waxaanay xaaladda deegaankaais wakhtigan tahay mid aad u kacsan.

Inkasta oo ay adag tahay warar rasmi ah sida deegaankaasi looga helaa hadana ilaa hadda inta la ogyahay ciidamadan Itoobiyaanka ahi waxay dileen hal qof oo ka mid ahaa dad la socday gaadhi qaad ka qaaday Magaaladda Burco isla-markaana ku sii jeeday Magaaladda Gaashaamo, kaas oo la xaqiijiyey in markii hore ay rasaas badan kurideen, balse markii dambe ay qori weyn oo ay ku rideen uu gabi ahaanba gaadhigaasi gubay.

Falkan ayaa ka dhashay markii ciidamada Itoobiyaanka ahi isku dayeen in gaadiid kale ka kaxaystaan deegaankaasi balse ay dadku ka hor yimaadeen, kadibna ay ciidamada itoobiyaanka ahi rasaaas oodda kaga qaadeen dadkii falkan ka gadooday halkaasina ay ku dilaan Alla ha u naxariistee nin lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamuud Ibraahim waxaanay isla goobtaasi ku dhaawaceen ugu yaraan afar qof oo magacyadoodu yihiin: Cabdifataax Maxamed Warsame (Inadhoolayare), Ibraahim Cabdilaahi Jaamac, Maxamed Kamaajuur iyo Aadan Aw Xuseen oo dhammaantood ay dhaawacoodaasi ciidamada itoobiyaanku u qaadeen dhinaca Gaashaamo.

Xaaladda deegaanka Xalaxlis ee mashaqadani ka dhacday ilaa Gaashaamo ayay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah iyo dhiillo colaadeed kadib markii dadka deegaankaasi ku nooli isku habar wacdeen si ay isaga dhiciyaan ciidamada Itoobiya ee falkaais gaystay iyaga oo marka horeba qabay ciil iyo casho gaaxatay oo ay u qabeen ciidamada Liyuu Boolis oo deegaankaasi falal dilal ah hore uga gaystay.

Sidoo kale  Magaaladda Burco oo ay ka soo jeedeen dadka ciidamada Itoobiya badhna laayeen badhna dhaawaceen ayaa laga dareemayaa xaalad cakiran oo ka dhalatay dadkaasi ciidamada Itoobiya weerareen, waxaana halkaasi laga soo sheegayaa in gaadiid faro badan oo ay wataan dad rayid ahi ay Magaaladda uga baxayaan dhinaca Gaashaamo si ay ugu gurmadaan dadka dhibaatadu gaadhay isla-markaana jawaab uga bixiyaan falkaasi.

Ilaa imika dhinaca xukuumadda Itoobiya wax war ah oo cad arrintan lagama soo saarin waxaanay ciidamadii falkan gaystay fadhiismo ku samaysteen meel u dhaw Gaashaamo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *