Ciidamada Xeebaha Galbeed Ee Somaliland Oo Xalay Heegan Culus La Galiyay Iyo Baadhitaano Ay Ku Sameeyeen Deegaano Ay Ka Mid Tahay Bulcaddo Oo Ah Goobtii Ay Hore Uga Soo Dageen Jabhadda ONLF

 

Saylac (Foore)- Ciidamada qaranka ee dhulka iyo kuwa badda ee fadhigoodu yahay xeebaha galbeed ee Somaliland ayaa xalay hawl gal culus oo baadhitaan ah waxa ay ka fuliyeen deegaamada xeebta galbeed ee Somaliland. Baadhitaanka ayaa ubucdiisu ahayd Bulcaddo oo ah goobtii ay hore uga soo dageen ciidamadii jabhadda ONLF ee u tallawday gudaha dalka Itoobiya, halkaasi oo ay ciidamadu baadhitaankan ku fuliyeen xalay ilaa shalay gelinkii dambe kadib markii ay soo baxeen warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ciidamo ONLF ahi ku soo beegan yihiin deegaankaasi si ay mar kale ugu gudbaan gudaha dalka Itoobiya.

 

Wariye ka tirsan wargeyska Foore oo ku sugan deegaanka Lughaya oo aanu xalay khadka taleefanka kula xidhiidhnay ayaa sheegaya in dadweynaha magaalooyinka Saylac, Lughaya Lawga oo ah xuduudda kala qaybisa Somaliland iyo Jabuuti ay xalay ku jireen xaalad feejignaan ah kadib markii ay dadku ku war heleen ciidamo xooggan oo kuwa dhulka iyo kuwa badda isugu jira oo shalay gelinkii dambe ilaa xalay baadhitaano aad u culus ku sameeyey dhulkaasi.

 

Baadhitaanka ugu adag waxa ay ciidamada Somaliland ku sameeyeen Bulcaddo oo ah goob istaraatiijiya ahna dekad macmal ah oo ay hore uga soo dageen ciidamadii ONLF. Goobtan ayay xukuumadda Somaliland hore u dejisay ciidamo fara badan oo ilaaliya deegaankaasi kadib markii ay hore ONLF-tu halkaasi uga soo dageen wakhtigii uu Dr: Gabboose ahaa wasiirka arrimaha gudaha. Bulcaddo oo u dhaxaysa Lughaya iyo Saylac ayay ciidamadu xalay gaaf wareegayeen iyaga oo baadhitaan ku samaynayay dadka iyo gaadiidka kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in ay halkaasi ku soo fool leeyihiin kooxo laga shakiyay.

 

Sidoo kale ciidamada Badda Somaliland ee aagga Saylac ayaa iyaguna xalay baadhitaan aad u culus ku samaynayay dhammaan agagaarka degmada Saylac iyaga oo doonyaha dheereeya ee hubka fududi ku rikiban yahay u isticmaalayay baadhitaankan oo si weyn looga dareemay xeebta degmada Saylac iyo dhulka u dhawdhaw.

 

Cabdiraxmaan Cumar oo ka mid ah odayaasha deegaankaasi degan oo aanu xalay khadka taleefanka ku waydiinay sababta keentay heeganka culus ee la galiyay ciidamada Somaliland ee goobahaasi ku sugan ayaa ku jawaabay: “Labadii habeen ee ugu dambeeyey waxa soo baxayay warar aan la hubin oo dadku isla dhex marayeen oo sheegayay in Bulcaddo ay ka soo dageen kooxo hubaysan oo gudaha u sii galay Somaliland balse lama oga cidina may xaqiijin arrintaasi. Waxa kale oo dhacday in shalay mar kali ah dadku ku baraarugeen warar sheegaya in caawa la filayo kooxo ONLF ah oo ku soo aadan Bulcaddo, kadibna la arkay dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u culus oo ciidamada Somaliland bilaabeen gelinkii dambe ilaa caawa (xalay)”.

 

Baadhitaanka ciidanku samaynayeen oo wariyahayagu u kuur galay ayaa ahaa mid aad u culus iyaga oo ciidanka baddu qabanayeen dhammaan doonyaha biyaha deegaankaasi marayay. Waxa kale oo iyana heegan culus iyo baadhitaan gaadiidka ah ku hawlanaa ciidamo kale oo deganaa aagga Geerisa oo ay ciidamada Somaliland saldhig ku leeyihiin. Ilaa imika xukuumadda Somaliland war cad arrintan kamay soo saarin, mar aanu xalay isku daynay in aanu wax ka waydiino masuuliyiinta ay khusaysana noomay suurta galin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *