Search

Ciidamada Puntland Oo Jab Kala Kulantay Weerar Ay Ku Soo Qaadeen Degmada Taleex

Taleex (Foore)- Ugu yaraan askari qof ayaa ku dhintay tiro kale oo aan la xaqiijina way ku dhaawacantay dagaal muddo kooban socday oo shalay degmada Taleex ku dhex maray ciidamo duulimaad ah oo Puntland leedahay iyo maleeshiyo beeleed deegaankaasi degan oo is difaacayay.

Wararka deegaankaasi naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo si gaar ah uga amar qaata madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire ay weerar ku soo qaadeen degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ee Somaliland, halkaasina ay kala kulmeen jab khasab kaga dhigay in ay dib ugu laabtaan Garoowe iyaga oo hore u sii qaatay dhawr askari oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, iyada oo dhaawaca askartaasi soo gaadhay wakhtigan lagu daaweynayo cisbitaal ku yaalla Garoowe.

Kooxo ka amar qaata odayaasha degmada Taleex ayaa weerarkan Puntland ku soo qaaday Somaliland iska difaacay waxaanay ciidankaasi ku khasbeen in ay dib u yaacaan. Wararka arrintan la xidhiidhaa waxa ay sheegayaa in ciidanka Puntland ee goobtaasi yimid ahaa isla ciidankii afduubka iyo weerarka u gaystay ciidamadii uu watay Md. Saleebaan Cali Koore oo ah la tilayaha madaxweynaha Somaliland oo dhawr bilood ka hor safar shaqo ku tagay degmada Talee. Kadib markii ciidan beeleedka Taleex degani ka war helay in ciidankan shalay mar labaad soo weerar tagay yihiin kuwii falka cadaawadeed hore uga gaystay deegaankooda ayay go’aansadeen in ay is difaacaan.

Weerarka ay soo qaadeen ciidamada Puntland, ayaan  la ogayn  ujeedada ka dambaysa, maadaama oo ay degmada gacanta ku hayeen ciidan ka  amar qaata odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaankaas, dhulkuna yahay dhul ka tirsan Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *