Ciidamada Liyuu Booliska Oo Dhibaatooyin Hor Leh Ka Geystay Degmada Xarshin Iyo Magacyada Sagaal Qof Oo Ay U Qafaasheen Jigjiga

Xarshin (Foore)- Ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa hawlgallo ballaadhan oo gabood fallo ah ka fuliyay degmada Xarshin oo ka mid ah degmooyinka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay hore dhibaatooyin kuwan oo kale ah uga gaysteen. Hawl-galladii ugu dambeeyey ee tacadiyada shacabka ka dhanka ah waxa lagu bar-tilmaameedsaday oo ay ciidamada Liyuu Boolisku ku galagalafeen tuulada Kaam Sacad oo ka mid ah degmada Xarshin halkaasi oo ay ka gaysteen jidh dil, guryo dumin iyo gabood fallo dhinaca xuquuqda aadamaha ah.
Ciidamada Liyuu Boolis ayaa si ba’an u waxyeeleeyay dadka ku nool tuulada Kaam Sacad ee deeganka Xarshin halkaasi oo ay sidoo kale ka xakaysteen ugu yaraan 9 qof oo ay u dhaadhiciyeen xabsiga magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Tuulada Kaam Sacad waxa dhawaan yimid ciidamo ka tirsan dawladda Federaalka Itoobiya balse waxa ay halkaasi ka noqdeen iyaga oo aan wax dhib ah u gaysan shacabkii halkaasi ku sugnaa waxaase taasi ka dambeeyey ciidamada Liyuu Booliska oo iyagu darraad degmadan galalafay.
Ciidamada waxyeelada shacabka u gaystay waxa ay bar-tilmaameedsadeen guryo shacabku lahaayeen oo ay dumiyeen. Sidoo kale waxa ay halkaasi ka kaxaysteen sagaal nin oo mid ka mid ahi suuxdin leeyahay kaasi oo ay isaga kaga tageen degmada Qabri-Bayax laguna magacaabo Axmed Yuusuf Cawl. Sideedda nin ee kale ee ay u qafaasheen Jigjiga ayay magacyadoodu kala yihiin: Cali Sheekh Khaliif, Iimaan Cismaan Xasan, Colaad Maxamed Cilmi, Bashiir Aw Dayib Xasan, Xasan Cabdi Wayd, Xasan Cabdi Aadan, Maxamed Cali Dheere iyo C/Casiis Daahir Xuseen. Arrinta kale ee la yaabka lihi waxa ay noqotay markii ciidamada Liyuu Boolisku amar ku soo rogeen dadka deegaankaasi in ay lacago cashuur ah ka bixiyaan dhammaan xoolaha ay dadku haystaan ee aan ganacsiga ahayn, taasi oo walaac ku abuurtay dadka shacabka ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *