Search

Ciidamada Isbahaysiga Sucuudigu Hogaaminayo Ee Dagaalka Ka Wada Dalka Yamen Oo Gacanta Ku Dhigay Markab Xoolo Ka Qaaday Somaliland, Kuna Soo Celiyay Marsada Berbera.

Berbera(Foore) – Ciidamada Muqaawada ee Dalka Sucuudigu Taageero ee Dagaalka ka wada Yamen ayaa Markab Xoolo ka qaaday Somaliland ku qabtay Bada Yamen islamarkaana Markabkii iyo Xoolihiiba dib ugu soo celiyay Marsada Berbera Shalay,Waxaana la sheegay in Talaabadani ay ka mid tahay Wax ay ugu yeedheen Cunaqabaynta ay Caalamka ka saarayaan Kooxda Shiicada ah ee Xuutiyiinta ee inta badan dalka Yamen ka arimisa.
Sida ay Noo xaqiijiyeen Qaar ka tirsan Ganacsatada Xoolahaasi u rarnaa,Waxa uu Markabkaasi oo loo yaqaano NOOBE-2 Xoolo iskugu jira Lo’ iyo Adhi Todobaadkan ka qaaday Dekeda Berbera ee Somaliland,marka uu marayay Meesha loo yaqaan Baabul-Mandab ayaa waxa halkaasi ku qabtay Ciidamo ka tirsan Xooggaga Muqaawada ee Dagaalka kula jira Kooxda Xuutiyiinta Dalka Yamen,baadhitaan ay ku sameeyeen kadib wax ay Ku amreen Masuuliyiintii Markabka waday inay dib ugu celiyaan Xoolahaasi dekedii Berbera ee Somaliland,iyagoo sidoo kale Digniin culus dul dhigay. Waxa Markabkaasi uu shalay dib ugu soo Xidhay Dekeda Berbera oo Xoolahaasi laggaga dhaadhiciyay. Tiradda Xoolaha u siday ayaa waxa ay noogu sheegeen 1280 Lo’ ah iyo 4000 kun oo Adhi ah Waxaana Xoolahaasi oo dhamaystirani ay dib ugu soo noqdeen Ganacsatadii lahayd oo Berbera ku sugaysay.
Lama garanayo sababta dhabta ah ee ay Xooggaga uu Sacuudigu taageeraa u soo Celiyeen Xoolahani Ganacsi ahaanta loo galinayay Yamen,balse Sida ay Wargeyska Foore u sheegeen qaar ka tirsan Ganacsatada Xoolaha Dhoofiso oo ku sugnaa Shalay Dekeda Berbera,waxa ay Xooggaga Muqaawadu waydiiyeen Markabka inuu sito warqadii lagu soo waariday Xoolahani ee sheegaysay cida loo wado iyo halka loo wado,markii ay ka waayeena waxa ay amar ku siiyeen inuu dib Xoolaha ugu celiyo Dekeda Berbera. Waxa ay Ganacsatada aanu wax ka waydiinay arintani intaa ku dareen in Xaashidaasi aan loo samayn Xoolaha Yamen loo raro tan iyo intii Shaqaaqadu ka bilaabantay Dalka Yamen,waxa kale oo ay noo xaqiijiyeen in Markab kale oo isna Xoolo ka qaaday Berbera oo ay Markabkan wada socdeen uu ka baxsaday Ciidamada Muqaawada kadib Markii ay isku dayeen inuu istaago,waxaana la sheegay in Markabaasi isaga oo bad qaba uu galay Dalka Yamen,Xoolihii uu sidayna la gaadhsiiyay Wakiiladii Soomaalida ahaa ee lagu waday.
Xulufada uu sucuudigu Hogaaminayo ee Dagaalka ka wada Dalka Yamen ayaa waxay isku dayayaan inay Cunaqabatayn dhinac walba leh dhinaca Bada iyo Cirkaba ka saaraan Kooxda Xuutiyiinta ah ee Yamen ka kacdoonka ka wada,waxaanay talaabadaasi Wal wal wayn ku soo rogtay Ganacsatada Xoolaha ee Somaliland oo Xoolo badan Bisha Carrafada u iibgayn jiray Dalka Yamen. Markabkan la soo celiyay ayaa la sheegay in mar labaad ay Ganacsatadu ku biimaynayso Yamen oo aanay jirin xal kale oo ay ku maareeyaan Xoolahani.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *