BREAKING NEWS
Search

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ethopia Oo Weerar Kala Dul Dhacay Saldhigyo Shabaabku Ku Leeyihiin Gedo

Muqdisho (foore) Dagaalkaan oo ahaa Mid aad u Xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Milatariga Dowladda Ethopia oo isgarabsanaya iyo Xarakada Al Shabaab kaasi oo ka dhacay Deegaanno iyo Degmooyin Ka tirsan Gobolka Gedo.

Ciidamada Ethopia iyo Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa ka Ambabaxay Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo Waxaana ay weerareen Deegaan Lagu Magacaabo Birta Dheer oo 18 KM dhinaca Koofur Kaga Beegan Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo halkaasoo ay Gacanta ku hayeen Ururka Al Shabaab Sida Saraakiil Ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay warbaahinta u sheegeen.

Sarkaal Ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Lagu Magacaabo Cabdi Barre Cabdi oo warbaahinta Lahadlay ayaa sheegay in Dagaalku uu soconayo Ciidamo Ka tirsan Kuwa Dowladda iyo Ethopiana ay kala wareegeen Sida uu sheegay Fariisimo Deegaankaasi kulahaayeen Ururka Al Shabaab.

Sarkaalkaan ayaa ku sheegay Khasaaraha soo gaaray Ciidamada Dowladda Federaalka illaa 3 ASkari oo Dhaawac ah isagoo Xusay in Tiro intaasi kabadanna ay kadileen kana Dhaawaceen Kooxda Al Shabaab ee ay weerarka ku qaadeen isagoona Xusay in dagaalka ay ku guuleysteen islamarkaana ay haatan u sii Jiheysteen Deegaanno Horleh oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Maal Mihii dambe ayaa Saraakiisha Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegayeen in ay qaadayaan Howl Gallo Ballaaran oo Gobolkaasi Gedo ay Kaga sifeynayaan Ururka AL Shabaab.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *