Ciidamada Dawladda Soomaaliya Oo La Siiyey Mid Ka Mid Ah Qoryaha Adduunka Ugu Casrisan Wakhtigan Iyo Dawladda Siisay + Saamaynta Amni Ee Geeska Afrika

Muqdisho, 4 November, 2017- (Foore)- Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu dowladda Turkiga ayaa u soo dirtay dowlada federaalka Somalia in ka badan 450 qoryaha Fudud ee casriga ee MPT-76, kuwaasoo lagu farsameeyo dalka Turkiga, ahna sida la sheego qoryaha wakhtigan adduunka ugu casrisan ee ay ciidamada Milatarigu ku hawl gali karaan kaasi oo ay adeegsadaan ciidamada Turkiga iyo dalalka uu gacan saarka la leeyahay ama uu hubka ka iibiyaa.
Qoryahan casriga ah ayaa la sheegay inay Ciidamada dowlada Muqdisho ee taagta darani u adeegsan doonaan Dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab sida ay warbixintu sheegtay ama uu Turkigu ku doodayo, waxaana loo qeybiyey ciidamada Soomaalida ah ee lagu tababarayo saldhiga Turkigu ku leeyahay duleedka magaalada Muqdisho,
Qoriga MPT-76 ayey Khubaradu sheegeen inuu wax ka dili karo masaafo gaadhaysa illaa 600 oo mitir.
Sidoo kale, waxay sheegeen in qorigaasi halkii ilbidhiqsi laga ridi karo 700 ilaa 800 oo xabbadood, iyadoo ciidamada ilaalada madaxtooyada Turkigu ay ku hubeysan yihiin qorigan oo dowlado badan oo sacuudigu ka mid yahay ay ka codsadeen Turkigu inuu ka iibiyo.

MPT-76 ayaa noqonaya qorigii ugu casrisanaa ee loo gacan geliyo ciidamada dowladaItaalka Daran ee Soomaaliya tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee milateriga ahayd 27 sano ka hor.
Khubarada amniga ee la socda xaaladda Geeska Afrika ayaa walaac weyn ka muujiya saldhigga Milatari ee dhawaan dalkaasi Turkigu ka samaystay Magaalada Muqdisho duleedkeeda oo ay xukuumadda Muqdisho ku dooddo in iyada oo loo dhisay oo ay tahay akaademiyad Milatari sidoo kale waxa walaac xooggan laga muujinayaa hubkan casriga ah ee xukuumadda Ankara ay u soo daabulayso maamulka taagta daran ee Muqdisho oo keeni kara xasilooni darro dheeraad ah oo ku habsata dalalka amniga haysta ee Geeska Afrika.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *