Search

Ciidamada Bilayska Somaliland Oo Saq Dhexe Dirqi Ku Badbaadiyay Nin Gaadhigiisii Isku Qallibay Badhtamaha Xaafadda Goljano

Hargeysa (Foore) – Ciidamada Bilayska Somaliland gaar ahaan ciidanka roondada ah ee habeenkii wareega ayaa habeen hore saqdii dhexe gurmada nafhurid ah u galay nin gaadhigii uu watay isku rogay kadib markii uu Xawaare Sare ku soo maray Badhtamaha Xaafada Goljano ee Hargeysa islamarkaana uu gaadhigu isku qalibay,Waxaana ninkaasi oo bad qaba iyo gaadhigii oo baabay goobtaasi ka kaxeeyay Ciidankii u soo gurmaday.
Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoog u ahaa falkaasi,Nin dhalinyaro ah oo watay gaadhi yar oo ah nooca loo yaqaan bajaajta Ama Raaxada ayaa habeen hore abaaro 2:00-dii Saacadu Markay ahayd shil fool xun ku galay Laamayda dhex marta Xaafada Goljano ee Magaalada Hargeysa,kaasi oo sida la sheegay Gaadhigiisu isku daboolay kadib markii uu dhawr jeer is laba rogay laamayda dhexdeeda,waxaana la sheegay in islamarkiiba ay goobtaasi soo gaadheen Ciidanka Roondada ah ee Habeenkii dhex Wareega Caasimadda,kuwaasi oo aan la ogayn inay gaadhigaasi markii hore baacsanayeen iyo in kale,balse gurmad u fidiyay ninkaasi iyagoo markii dambena ninkaasi u kaxeeyay dhinaca dhakhtarka weyn ee Hargeysa si baadhis loogu sameeyo caafimaadkiisa.
Sida ay noo Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Bilaysku,waxa Dirawalkaasi markii dambe lagu xidhay saldhiga,Waxaana laga baadhayaa inuu dirawalkaasi markii uu gaadhigu la dhacay saqdii dhexe ee Habeen hore uu caadi ahaa iyo in kale,waxaana ay noo Xaqiijiyeen in Dirawalada Habeenkii gaadiidka wada ee maandooriyaha Isticmaala lagu soo rogay Xukun adag,sidoo kalena,Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan uu sameeyay Ciidamo si gaar ah u tababaran oo Habeenkii soo jeeda lana socda Xawaaraha Dhaq dhaqaaqa gaadiidka Caasimada ee Habeeenkii Gaaf wareegga.Shacabka Xaafada Goljano ayaa ku diirsaday sida deg deg ah ee Ciidankaasi bilaysku Habeen hore uga hawlgaleen Shilkaasi ee ay islamarkiiba gacanta ugu dhigeen Dirawalkii iyo gaadhigii oo aad u burburay.
Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa intii uu hogaanka Ciidanka Bilayska hayay waxa uu dhisay cududa ciidanka bilayska,isagoo kor u qaaday shucuurta iyo niyad Samaanta Ciidanka Bilayska Somaliland,waxa uu sidoo kale ku guulaystay inuu sugo guud ahaan Amaanka Caasimada Hargeysa oo maanta ah mid la isku halayn karo oo hadh iyo habeen shacabku wakhti kasta iska lugaynayaan iyagoo jeebabka Lacagta ku sita. Waxa uu Caasimada Hargeysa ka tirtiray Tuugtii iyo dhalinyartii habeenkii dadka baadhan jirtay ee mararka qaarna ku kici jiray falalka qudh goynta ah ee Khaatiga laga taagnaa,isagoo jeelasha ku guray,qaarkoodna tarbiyadeeyay oo ganaax adag u jaray.
Dhinaca kale waxa ay Ciidamada Bilaysku Isla Habeen hore ceel biyood ku yaala dooxa Weyn ee Hargeysa ka soo saareen Meydka Wiil Dhalinyaro ah kaasi oo meydkiisa ay keeneen Dhakhtarka Weyn Ee Hargeysa,Iyo Hooyo gaadhi Xamuul Ahi ku jiidhay Suuqa Gobonimo ee ee Xaafada 26-June oo dhaawac ahayd balse sida la sheegay markii dambe ku qudh baxday Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa.

Foore




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *