BREAKING NEWS
Search

Ciidamada AMISOM Oo Cabsi Awgeed Soo Banneeyay Dhul Badan Iyo Ciidamada Soomaaliya Oo Hubkoodii U Iibinayaan Mushahar La’aan

Hargeysa (Foore) – Ciidamada African-ka ah ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya u jooga ee AMISOM ayaa la sheegay inay afartii cisho ee u dambeeyay soo bineeyay cabsi awgeed dhul badan oo ay hore Alshabaab uga qabsadeen,waxaana la sheegay inay arintani ka dambaysay kadib markii ay Xarakada Alshabaab weerartay Xero ay ciidankani ku lahaayeen Deegaanka LEEGO ee shabeelaha hoose ee Soomaaliya halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 70-Askari oo ciidamada dalka Burundi ah,Hub iyo Saanad Militari oo Culusna ka furteen.
Ciidanka AMISOM ayaa shalay galab ilaa xalay siyaabooyin kala duwan waxay uga soo baxeen deegaanada Golweyn iyo Yaaqbari-weyne oo ka kala tirsan Degmooyinka Buulo Mareer iyo Wanlaweyn.Waxaana la sheegay inay Deegaanadaasi durbaba la wareegeen Ururka Al Shabaab oo si weyn kaga soo horjeeda joogista AMISOM ee dalka iyagoona dagaal adag kula jira AMISOM. Shacabka ku dhaqan deegaanka Yaaqbari-weyne ayaa xaqiijiyay saqdii dhexe ee xalay in Shabaabku Calanka Madow ay ka taaggeen deegaankaasi,markii ay si rasmi ah ula wareegeen. AMISOM waxay Gobolka Shabeellaha Hoose ka bilowday dib u gurasho ballaaran, wixii ka dambeeyay weerarkii Jimcihii hore ka dhacay deegaanka Leego, laguna dilay in ka badan 70 Askari oo Ciidamada Burundi ka tirsan.
Dhinaca kale,Sida warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay Muqdisho ay sheegayaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waxa ay bilaabeen inay iibiyaan hubkooda kadib markii ay waayeen wax mushahar ah, iyagoo sida la sheegay durba Rasaastii ay haysteen iibkeeda bilaabay.Wararku waxa ay intaasi ku dareen in ciidamadaasi sidaas u yeeleen kadib markii ay waayeen mushaharaadkoodii muddo lagu qiyaasay lix bilood, iyagoo hubkooda iyo rasaastoodaba ciddii ay lacag ka helaanba ka iibinaya.
Saraakiil ciidamada Soomaaliya katirsan ayaa warbaahinta Muqdisho qaarood u xaqiijiyey jiritaanka Arrintaasi, waxana uu intaasi ku daray in tallaabadani ay dhaawac weyn ku tahay dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab, waaanay arintani ku soo aadmaysaa xilli waqtigan ay dadku dareemayaan Shabaabku inay xoojiyeen weerarada, ay ka gaysanayaan Gobolada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya. Warkan ayaa intaasi lagu daray in Madaxtooyada Magaalada Muqdisho aad loogu dhaliilo inaanay ku fiicnayn bixinta mushaharaadka Ciidamada Qalabka Sida.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *