“Cidda Wax Samaysay Waa Cabdiraxmaan Cirro Iyo Beeshiisa, Ninka Abtiga Ii Ah Ee Maxamed Cali-Na Waan Boggaadinayaa, Tii Lagu Farxayeyna Tan Ma Ahee …….”..Suldaan Dhawal

Hargeysa(Foore)-Suldaanka guud ee beesha Habar-carfaan ee gobolka Awdal Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, ayaa eedo culus dusha ka saaray guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxana uu tilmaamay inuu gadh-wadeen ka ahaa caddaalad-darro uu sheegay in lagaga sameeyey Musharrax Axmed Muumin Seed oo jagada madaxweyne-ku-xigeen xisbigaas uga sharraxnaa.
Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal oo isaga oo magaalada Boorama ku sugan warbaahinta la hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu caddaalad-darrada shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ka dhex dhacday kala hadlay guddoomiye Cirro balse aanu waxba ka qabanin sida uu Suldaanku hadalka u dhigay isaga oo sheegay in aannu ku farxin sida hawsha doorashadu u dhacday ee lagu khaarajiyey Siyaasi Seed inkasta oo uu sheegay in uu bogaadinayo Musharraxa kale ee soo baxay ee Golaha Dhexe ee WADDANI Doortay.
Suldaanku waxa uu shaaca ka qaaday in xubno dibadda ka yimi lagu daray xubnihii rasmiga ahaa ee golaha dhexe hore ugu jirey, taas oo uu dabada ka riixayey guddoomiye Cirro.

Halkan Ka Daawo Hadalka Suldaan Dhawal:




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *