CHAMPIONS LEAQUE: Kooxaha Arsenal, PSG & Bayern Munich Oo Xasuuqyo Gaystay, Atletico Madrid, Gladbach & Benfica Oo Guulo Muhiim Ah Soo Gaadhay Iyo Natiijooyinkii Kulamada UCL Oo Dhamaystiran

Kooxda Arsenal ayaa si xun Emirates Stadium ugu gumaaday kooxda Ludogorets kadib markii ay 6:0 ku gumaaday waxaana kulankan saddexley ka dhaliyay Mesut Ozil halka Alexis Sanchez uu goolka furitaanka dhaliyay daqiiqadii 12 aad waxaana goolka labaad qaybtii hore ku darsaday Walcott qabtii danbe Alex Oxlade-Chamberlain ayaa liiska gool dhaliyaasha kulankan isku daray halka Ozil uu saddex gool dhulka ku jiiday kooxda martida ahayd ee Ludogorets.

Arsenal ayaa sii wadatay qaab ciyaareedkeeda fiican ee ay ku soo jirtay kulamadii ay hore u soo ciyaartay laakiin wali kooxaha Arsenal iyo Paris Saint-Germain oo iyaduna guul wayn ka gaadhay Basel ayaa kaalinta kowaad ee Group A u tartamaya. Paris Saint-Germain ayaa 3:0 ku dubatay kooxda FC Basel oo marti u ahayd.

Group B waxaa guulo muhiim ah gaadhay kooxaha Benfica iyo Besiktas iyada oo kooxda ree Turkey ay 3:2 ku garaacday Napoli oo marti garoonkeeda loogu ahaa, waxayna guushani u ahayd Besiktas guul wayn oo ay shaqo adag ku qabtay. Kooxda Benfica ayaa 2:0 ku garaacday kooxda Dynamo Kiev oo iyadana marti loo ahaa.

Group C waxaa guul muhiim ah soo gaadhay kooxda Borussia Monchengladbach oo 2:0 ugu soo awood sheegatay kooxda ree Scotland ee Celtic halka Manchester City oo isla groupkan ku jirtaa ay guuldaro 4:0 ay kala soo huleeshay Camp Nou. Lionel Messi ayaa kulankan saddexley ka dhaliyay halka Neymar uu goolka kale raacsaday.

Group D, kooxda Bayern Munich ayaa cadhadii saddexdii kulan ee ayna soo guulaysan kula dhacday kooxda PSV Eindhoven iyada oo Bavaria ay Allianz Arena 4:1 ugu awood sheegtay kooxda ree Holland PSV. Thomas Muller, Joshua Kimmich,Robert Lewandowski iyo Arjen Robben ayaa dhamaantood min hal mar shabaqa soo taabtay si ay kooxda Ancelotti culayska uga dulqaadaan halka goolka madiga ah uu PSV udhaliyay Luciano Narsingh.

Dhinaca kale kooxda isla Group D hogaanka u haysa ee Atletico Madrid ayaa 1:0 ku soo garaacday kooxda FC Rostov iyada oo kooxda Diego Simeone sii joogtaysay qaab ciyaareedkeeda fiican waxaana saddexleydii kulankii La Ligaha markale halyayga Ateltico noqday Yannick Ferreira Carrasco kaas oo gool kaliya kooxdiisa kulankan uga dhaliyay.

HALKAN KAGA BOGO NATIIJADA KULAMADII CAAWA LA CIYAARAY OO HDAMAYSTIRAN:
cvkhm6owyaeio4n




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *