BREAKING NEWS
Search

“Casuumaddii Wasiirka Qorshaynta Annagaa Diiddnay, Macnuhuna Muu Ahayn Inaanu Ka Soo Horjeedno Xukuumadda”..Chief Caaqil Baashe Aw Cismaan

Hargaysa (Foore)- Chief Caaqil Baashe Aw Cismaan Yuusuf oo ka mida Cuqaasha beesha Muuse Abokor ee Arab, ayaa shaaca ka qaadday in dadkiisu ay saddexda Xisbiba ku jiraan, isla markaanna aannay Xisbi qudha wada taageersanayn, balse waxa uu sheegay ka Cuqaal ahaan inay hadba Xukuumadda taladda haysa ee markaas joogta la shaqaynayaan.
Chief Caaqil Baashe Aw Cismaan Yuusuf waxa uu sheegay inaanu ka qayb-gelin hadhimo sharafeed uu Wasiirka Wasaaradda Qorshayntu Cali Salaan Jirde ku martiqaadday Cuqaasha beesha Muuse Abokor, waxaannu sababta uu uga baaqday Martiqaadkaas Wasiirka inaan loo fasirran karrin oo aan loo qaaddin karin inay ka soo horjeeddaan Xukuumadda iyo Xisbigeedda KULMIYE, balse arrimo kale uu uga baaqday.
“Shacbiga aannu cuqaasha u nahay saddexda Xisbiba way ku jiraan, balse haddii aannu Cuqaal nahay waa waajib inaanu la shaqayno hadba Xukuumadda markaas taladda dalka gacanta ku haysa.” Ayuu yidhi Chief Caaqil Baashe Aw Cismaan Yuusuf oo khadka telefoonka ugu warramaayay Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *