Search

Casuumaddii Rayaale Oo Xisbiga KULMIYE Iyo Xukuumaddiisa Ka Nixisay Balse Aakhirkii U Dhici Wayday Sidii Xisbiga WADDANI Jeclaa

Hargeysa (Foore)- Casuumad Balaadhan oo Salaadiin iyo aqoonyahano kale ka soo qayb galeen ayuu Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Shalay u fidiyay Masuuliyiintii Xisbigii Burburay ee UDUB Islamarkaana Madaxweynihii iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin,Macsuumadaasi oo markii ay soo baxday wajiyo badan yeelatay kana nixisay Xukuumadda Kulmiye ee uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isla Shalay uun safar dibada ah ka soo guryo noqday balse markii dambe waji kale yeetay.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxman Cabdilaahi Ciro ayaa martiqaadkan si gaar ah ugu sameeyay Huteel Ambaasadoor ee Magaalada Hargeysa Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin Iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin,lama garanayo sababta iyo ujeedada uu kalahaa martiqaadkaasi balse Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo Martiqaadkaasi ka dareen Celiyay ayaa si cad ugu bayaamiyay inaanu wakhtigan diyaar u ahayn inuu Xisbiyada siyaasada ku biiro isagoo sheegay inuu dhex u ahaanayo Axsaabta qaranka islamarkaana uu ka mid noqon doono Gole uu ku sheegay musdanbeedka Somaliland oo Axmed Yuusuf Yaasiin sii carabaabay,waxa uu Sidoo kale soo jeediyay in wixii khilaaf abuuraya hoos loo dhigo oo laga raaco midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Somaliland.
Waxa ka mid ahaa hadaladii uu martiqaadkaasi ka jeediyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin “Salaadiinta,Waxgaradka kale ee halkan jooga,waxaan u mahadnaqayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo Hadhimo sharafeedkan Intaasi oo Ehlu-sharaf ah lagu soo marti qaaday ee lagu igu maamuusay aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa,Midna waan odhanayaa oo Siyaasad horta ka hadli maayo,horta anigu waxaan ahay Madaxweyne hore oo Somaliland ah oo dhex ayaan u ahaanayaa Somaliland,Waxaanan istaagayaa meesha Xaqu uu ku jiro Haddii Illaahay yidhaah,Dawladnimada Madaxweynihii Afraad ayaa maanta maraya,Waxaan Qirayaa sida Cabdiraxmaan Awcali Sheegay in marba marka ka horaysay ay ka adkayd Madaxtinimada iyo Hogaaminteedu, Qoladani Wakhti fiican ayay ku soo hagaageen Kuwa kalena Wakhti Fiican inay ku soo hagaagaan ayaan rajaynayaa,In la qiro cidkastaba wixii ay soo qabatay waa Waajib,Dawladnimadeena,Sharafteena iyo Quruxdeena ayay ku jirtaa,Xitaa kuwan imika jooga waxay qabteen iyo wixii dafiray iyaba way ogyihiin,iyagana waan in loo qiraa waxay ku soo kordhiyeen,waayo waa wax socda Dawladnimo oo wax istaagaya maaha, nin inyar Biiriya iyo nin Waxbadan Biiriya,intuba way imanayaan”.
Waxa Kale oo uu yidhi “Waxaa inoo ah balan inaan wax kasta oo khilaafaad ah dejino,si midnimadeena iyo wadajirkeenu ay u noqoto waxa ugu Weyn ee aan ka shaqayno,Siday umadani uwad jiri lahayd, uwada joogi lahayd, Horumar ugu wada talaabsan lahayd ,Taasina Insha Allah Markasta wixii aan ka gaysan karayo Gacan ayaan ka gaysanayaa Musdanbeedka Axmed uu sheegayna waan kujiraa, Raggaasi ayaan ahaanaynaa, Xukuumadda Xitaa Haddii ay tahay waar ka leexda ayaan odhanaynaa,waxaasi inama anfacayee,Hadday tahay Xisbiyadana waxaan leenahay waar ka leexda ina wadi maysee,Markaa dariiqa saxda ahi waxa weeyaan kaan ku gaadhayno ujeedadeena,Marlabaad aad iyo aad ayaan idiinku mahadnaqaynaa,Waxaan leeyahay Cabdiraxmaan Marti qaadkan aad samaysay marlabaad aad ayaad ugu mahadsan tahay”.
Si kasta hanoqotee, Martiqaadkan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Shalay u fidiyay Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa si weyn u soo jiidatay dhegaha Shacabka Somaliland iyadoo si gaar ah uga nixisay Xukuumadda Kulmiye balse natiijadii ka soo baxday iyo hadalkan Daahir Riyaale ayaa soo jiitay dadka daneeya Siyaasadda Somaliland iyo Axsaabta kale oo ka boqoyay in Martiqaadkaasi daaranaa siyaasad iyo arrimo kale oo loogu sii gogol xaadhayo Olole hor leh oo WADDANI ku xodxodanayay Daahir Rayaale balse aakhirkii uu si cad u sheegay in aanu xisbi u socon in uu ku biiro.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *