Carwadii Ganacsiga Ee Ka Socotay Hargeysa Oo La Soo Gabogabeeyay

Hargeysa (Foore)-Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, iyo Kaluumaysiga ayaa galabta ka qayb galay xidhitaanka carwadii caalamiga ahayd ee ganacsiga Somaliland oo muddo shan cisho ah ka socotay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa .
Carwadan waxa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay ururka Somaliland Business Fair (SBF) oo la kaashaday shirkadaha OGF, Dahabshiil, Somcale iyo kuwa kale, waxaana mudadii ay socotay ka qayb qaatay boqol shirkadood oo Sodon ka mid ahi ay yihiin kuwo ka socday dalalka dariska ee jabuuti iyo Itoobiya, Todobaatanka kalena yihiin sharaa’ig wadani ah.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska Mudane C/risaaq Khaliif Axmed ayaa u mahad celiyay dhamaanba shirkadihii wax soo saarkooda ku soo bandhigay carwadda, waxaanu sheegay in xukuumada Somaliland ay dhiirigelinayso ganacsiga xorta ah.
wasiirku wuxuu intaas ku daray inay rajaynayaan in carwadani aanay noqon tii u danbaysay hasa yeeshee ay mar walba soo dhawaynayaan in ganacsatadu ay agabka ay iibinayaan ay bulshada u soo bandhigaan.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Mudane C.laahi Jaamac Cismaan (Geel jire) waxaanu sheegay in carwadani ay faa’iido balaadhan ugu fadhiday ganacsiga Somaliland iyo dalalka la dariska ahba. Waxaanu ku baaqay In carwooyinka noocan oo kale ah la sii joogteeyo.

Xubno ku hadlayay magaca gudida qaban qaabada carwadan ayaa u mahadceliyay dhamaanba dadkii gacanta ka gaystay hirgelinta carwadan oo noqonaysa tii u horaysay ee heer caalami loo soo abaabulay.
Qaar ka mid ah Shirkadaha ka qayb galay carwadan ayaa bixiyay hadyado ay ugu tallo galeen dadkii sida fiican wax uga iibsaday mudadii ay hawsha carwadu socotay.
Gaba gabadii waxay labada wasiir Shahaado sharafyo gudoonsiiyeen ganacastadii sida fiicnayd ugu soo bandhigtay alaabadooda mudadii shanta maalmood ahayd ee carwadani socotay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *