Camali,ida Dhalinta Haysata oo Laga Dareemayo Goobaha lagu Qaxweeyo oo ay Barqo Fadhiyaan.

Hargeysa [ foore] Jan-23-2013-Camala,aan baahsan ayaa badiba haysata bulshada Somaliland siiba dhalin yarada, waxaanad arkaysaa dadkan oo is dul tuban makhaaxiyaha laga shaaheeyo,halkaasi oo ay wakhtigooda inta ugu badan ay ku qaataan. Waxaay dhalin yartani isku maaweeliyaan ‘Beri ayay dhaami’.
Waayaha dhalinta wakhtigan la soo darsay ayaa ah mid qalafsan oo ogolaysiiyay inay ku fadhiyaan kuraasta maqaaxiyaha laga shaaho wakhti badan, lixda aroornimo [6Am] ilaa lixda galabnimo [6pm] iyagoo isku maaweelinaya sheekooyin sida siyaasada,ciyaaraha iwm.
Ardayda jaamacadaha ka soo baxda ayaa war warka ugu wayni ku dhuftaa kadib markay soo dhamaystaan waxbarashada jaamacada kadib markay shaqalo la,aani haleesho . Ardaydan ayaa intooda badani waxay ku hamiyaan inay ka baxaan wadanka iyagoo u tahriiba wadamada Yurubta.
Dhalinyarada oo isbadelkii siyaasadeed ee dawladan Axmed siilaanyo ku timid hogaanka qayb wayn ka ahayd ayaa hadda u arka inaanay waxba is badelin kaliya wasiir –wasiir badalay mooyaane, inkastoo xukuumadan cusubi dhalin yarta ka furtay dabarkii ka haystay inay ka qayb galaan siyaasada wadan hadana waxaa jira kumanaan dhalin yaro ah oo ka soo qalin jabiyay jaamacadaha wadan oo hoos hoganaya geedaha lagu shaaheeyo hoostooda kuwaasoo shaqalo la,aani ragaadisay.
Dhalin yaro badan ayaa sanad walba tahriib ugu baxda wadamada Yurub kuwaa soo saddex meeloodaw meeli ku halaagsanto Bada Dhagaraysan ee Liibiya waxanay ahayd bil ka hor markii inoogu danbaysay ee geerida naxdinta lihi ku dhacday dhalin yartii u badnayda reer Hargeysaad ee gaadhiga sibidhka siday ku dumay. Camala,aanta ayaa cadaw u ah aadamaha oo haduu masruuf waayo la fududahay inuu naftiisa haligo.
Waayaha iyo mustaqbal la,aanta bustaha la huwatay dhalinta ayaa waxay aamin sanyihiin oo kaliya inay kaga baxsan karaan iyagoo wadanka dibadiisa aada waxaanad arkaysaa dhalin yaradan oo ka sheekaysanaya safarada dibada loogu baxo.
Goobaha maqaaxiyaha ah ka sokaw Dhalinyartan markaad waraysato waxay kuu sheegayaan inaanay jirin meelo kale oo ay wakhtiga ku soo lumiyaan sidaa dartee waxaan odhan lahaa Dhalin yarta Somaliland ‘Ceelna uma qodna Cidna uma maqna’




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *