Cali Waran Cadde oo Gaashaanka Ku dhuftay Go’aan Ku simaha UDUB xilkii kaga qaaday Xoghayihii Xisbigaas

“Arrintanwaxay fidnimo ka abuuraysaa xisbiga gudihiisa wixii arrintaasi ka yimaadana isagaa ka masuul ah”
Hargeysa (Foore)- Murashax Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa caawa gaashaanka ku dhuftay oo ku tilmaamay wax aan suurto gal ahayn qoraal uu Ku simaha Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin shalay soo saaray oo uu sheegay inuu xilkii kaga qaaday Ku simaha Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. C/Xaliim Maxamed Muuse.
Cali Maxamed Waran cadde oo caawa khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Shabakada wararka ee Somaliland.Org, ayaa sheegay in Axmed Yuusuf Yaasiin uu doonayo inuu la baxo lacag xisbiga UDUB eek ala qeybsani leeyahay oo ku jirta Xawaaladaha iyo baanka dhexe ee Somaliland.

“Qoraalka uu Guddoomiye Ku xigeenkii hore ahna Ku simihii Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ee aanu kalsoonida kala noqonay sheegay inuu xilkii ka qaaday Ku simihii Xoghayaha Guud C/Xaliim ma aha mid suurto gal ahna awoodna uma laha oo waa laba Ku sime ayay ahaayeen. Xisbiguna wuu kala qeybsan yahay waa wax aan hadal dhaaf siisnayn,”ayuu yidhi Cali Maxamed Wanrancadde.

Cali Maxamed Warancadde oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Xisbiga UDUB wuu kala qeybsan yahay isagana (Axmed Yuusuf Yaasiin) waanagii kalsoonidii kala noqonay mar haddii uu qaadan waayay awaamiirtii Guddoomiyaha Xisbiga Md. Daahir Rayaale Kaahin, anaguna waxaanu ku simihii hore ka aqbalaynaa ma jirto. Ninkana wax xil ah oo uu ka qaadi karaa ma jirto oo xisbiga ayaa doortay.”

“Talaabadani waxay fidnimo iyo nabad gelyo darro ka abuuraysaa xisbiga gudihiisa wixii arrintaasi ka yimaadana isagaa ka masuul ah,”ayuu yidhi Cali Waran Cadde.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *