BREAKING NEWS
Search

Cali Khaliif Oo Is Barbar Dhig Ku Sameeyey Wixii Ay Dhismaha Maamulka Khaatumo Ka Aaminsanaayeen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Cabdiraxmaan Faroole

Hargeysa, February 10, 2018- (Foore)- Hogaamiyaha kooxda Khaatumo Mudane Cali Khaliif Galaydh ayaa markii ugu horaysay is barbar dhig ku sameeyey wixii ay Madaxweynayaashii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo Maamul Goboleedka Puntland Md. Cabdiraxmaan Faroole ka aaminsanaayeen iyo sida ay u arkayeen markii dhidibada loo taagayay maamulka Khaatumo, isla maalmihii shirku kooxdaasi uga socday magaalada Taleex isaga oo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo wakhtigaasi qaatay siyaasad cad oo uu ku daayay in Khaatumo la dhiso halka Cabdiraxmaan Faroole oo hayb qabiil ku sheegta in uu Dhulbahante u dhaw yahay uu 18% boqolkiiba miisaaniyadda Puntland ku bixinayay sidii aanay deegaamadaasi maamul u samaysteen.
Siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlayay mar uu ku sugnaa dalka Maraykanka arrinkan ayaa sheegay oo soo bandhigay dareenka uu madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Axmed Siilaanyo ka qabay shirkii lagu aas aasay maamulka Khaatumo.

Siyaasi Cali Khaliif oo khudbad u jeediyey jaaliyadda ku nool Minneapolis ee ka soo jeeda deegaanadiisa ayaa sidoo kale soo bandhigay miisaaniyad uu maamulka Puntland ugu tala galay inuu kaga hortago aasaaskii Maamulka Khaatumo.
Siyaasi Cali Khaliif oo ka hadlaya dareenkii Axmed Siilaanyo ka qabay shirkii Taleex ee lagu sameeyey Khaatumo ayaa waxa uu yidhi ““Ta siilaanyo ayaan goob joog ka ahaa waxaanu yidhi shirkiina qabsada wixii ka soo baxana waan u wada joognaa, markii uu Siilaanyo ku noqday Hargeysa, waar nimankaasi intay shirkooda wadaan haynaga badbaadeen ayuu yidhi.”
Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay miisaaniyadda Maamulka Puntland ugu tala galay inuu kaga hortago shirkii Taleex waxaanu yidhi “Cabdiraxmaan Faroole-na wuu nool yahay waana markhaati ma doon, waxaanu miisaaniyadda Puntland 18% u qoondeeyey in lagaga hortago in dadka sool, Sanaag Iyo Cayn ay wax dhistaan, umad ayaana ina barbar joogta oo inaga dhaadhicinaysa waar waxba ma tihidin la’aantayana waxba ma noqon kartaan.” Ayuu yidhi siyaasi Cali Khaliif Galaydh.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *