Search

Cali Khaliif Oo Cabsi Xoog Lihi Soo Food Saartay Kana Warramay Inuu Laba Jeer Ka Badbaaday Weerarro Alshabaab

Muqdisho (Foore)- Dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh oo sheegta Guddoomiyaha kooxda Khaatumo ayaa sheegay in uu ku jiro xaalad aan deganayn kana dayriyey xaaladda nabad gelyo ee dalkaasi Soomaaliya isaga oo ka sheekeeyey sida uu tiraba laba jeer uga badbaaday weerarro is miidaamin ah oo khatar badan oo ay soo maleegeen kooxda Alshabaab, kuwaasi oo halis weyn geliyey naftiisa.
Qabqable Dagaal Cali Khaliif galaydh oo ah hor-joogaha kooxda Nabad diidka ah ee Khaatumo oo Wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Dalka Kenya ayaa sheegay in uu ka bad baaday laba weerar oo halis ah oo uu ku jiro weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee dhawaan lagu qaaday Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ka mid ahaa weerarradii ugu khatar badnaa ee Alshabaab ka gaysato wadanka Soomaaliya.
Cali Khaliif Waxa uu sheegay in uu nasiib leeyahay oo uu ka bad baaday weerarkii xoogganaa ee dhawaan lagu qaaday Huteelka Jaziira, waxaana uu sheegay in qaraxaasi uu bur buriyay tallaagad yar oo ay daawooyin ugu xareesnaayeen oo qolkiisa u taallay, isna uu dirqi laga badbaaday in uu ku dhaawacmo.
Horjoogaha kooxda Khaatumo oo ka mid ah xildhibaanada Maamulka Muqdisho Waxa kale oo uu sheegay in sidan oo kale uu uga bad baaday weerarkii Al-Shabaab hore ugu qaadeen xarunta Westgate Mall ee Magaalada Nairobi, waxa uuna isku sifeeyay nin aad u nasiib badan.
Cali Khaliif Galaydh oo ah duq 74-sano jir ah ayaa sheegay in uu Ilaahay SWT uga mahad celiyay sida uu uga bad baadiyay labadaasi weerar ee halista badnaa ee Al-Shabaab dadka badan ku dileen balse uu ka werwwersan yahay xaaladda amni ee dalka Soomaaliya oo uu sheegay in aanay si dhib yar ku degayn waxna laga qaban Karin kooxaha nabad-diidka ah oo uu sheegay in ay halis ballaadhan ku hayaan amniga dalkaasi Soomaaliya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *