Search

Cali Guray Oo Si Mug Leh Uga Faallooday Saami Qaybsiga Tirada Kuraasta Golaha Wakiilada Ee Gobolada Bari Iyo Kuwa Galbeed

Hargeysa (Foore)- Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si mug leh uga faallooday saluuga beelaha qaar ka muujinayaan saami qaybsiga tirada xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo waliba qaabka doodad ka dhalatay qaabka is xambaarka loo yaqaan ee xubno wakiilada ka mid ahi kaga soo baxaan qaar ka mid ah gobolada Sool iyo Sanaag.
Mujaahid Cali Guray waxa uu qoraal uu ciwaan uga dhigay SOMALILAND BARI IYO GALBEED ku faafiyey barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka dadweynaha ee facbook waxaanu ku bilaabayaa sidan:
“SOMALILAND BARI IYO GALBEED
Waxan la yaabay dood aan wax ka dhegeystay oo weli ka socota HCtv. Xildhibaan Maxamed Jaamac oo aan qirayo in beeshiisu saamigii ay Golaha ku yeelan lahayd ay intii badnayd ka maqan tahay waana runtii. Lakiin sidey uga maqan tahay yayse ku maqan tahay aniga oo huba in uu garanayo hadana muu sheegin balse wuxu ku eedeeyay Beesha Dhexe. Wuxu qarinayaa dembi uu wax ku leeyahay ee lumisay kuraastii reerkiisa( Dhulbahante) iyo sheekada IS XAMBAARKA oo laga yaabo inu ka mid yahay inta weli taageersan. Doorashadii Wakiilada toban sanadood ka hor dhul bahante oo dhami wuxu helay 7 kursi oo mid ka mid ihi yahay kan uu isagu ku fadhiyo. Cadaalad maaha in oo Xildhibaanku uu markii ay taasi dhacaysay uu raali ka ahaa toban sanadood oo kursiga uu fadhiyayna aanu mar keliya soo qaadin xataa cabashona ha noqoto eh. Somaliland waa lix Gobol Doorasho sedexda galbeedka dhamaan degnooyinkooda waa laga wada codeeyaa waxanay helaan 43 kursi. Sedexda bariga waxa aan laga codaynin:
Degmada Buuhoodle B grade ah
Degmada Lascaanood A grade ah
Degmada Xudun C grade ah
Degmada Taleex C grade ah
Degmada Badhan C grade ah
Degmada Lasqoray C grade ah
Degmada Dhahar C grade ah
Sedexda Gobol ee bariga iyada oo intaas oo degmo aan laga codaynin ayay tirada kuraasta ay heleen tahay 39 kursi halka sedexda galbeedka iyadoo dhamaan degnooyinkooda laga wada codeeyay ay haystaan 43 kursi. Marka ay sidaa tahay Bari iyo Galbeed ay 4 kursi oo keliya is dheer yihiin waxan waydiin lahaa Xildhibaan Maxamed Jaamac bal kuraasta lixdankiiba dhehoo uu reerkiisu heli lahaa ma todoba kursi baa. Hadiise laga codeeyo degmooyinka todobada degmo een laga codaynin waa ayo cidda ka kuraasi badan karta reer kiisa. Anigu waxan qabaa in aanay jirin cid ka kuraasi badan lahayd. Hadaba kuraasta uu radinayaa halka ay ku maqan tahay waxan leeyahay Xildhibaan waad ogtahay ee ka tali sidii degaanka reerkaagu dego oo dhan looga wada codayn lahaa. Hadii ay taasi dhacdo diiwaangelintuba way cadayn in hadlkaagu run yahay adiguna waad ogtahay. Hadii aan maantana laga codaynin sheeko aan IS XAMBAAR ahayn la kaalay hadii aanad garanayn waa lagu heli ee xaqaaga dhacso oo cidna ha baryin.
Golahan hadda tobanka sanadood fadhiyay waxay wadaa Xeerkii hore aan diidno Xeer cusubna yaynaan keenin si aynu kuraasida isaga sii fadhino taasina wax la aqbali karayo maaha waayo waa Somaliland yay jirin. Gobolada galbeedku waxay aaminsan yihiin in Bari dhul mooyee aan dad ka jirin tiro ahaan. Bal aan soo qaadano Doorashadii Madaxtooyada. Sedexda Gobol ee Bariga waxa ka codeeyay isu geyn 190 kun halka sedexda galbeedka ay ka codeeyeen 340 kun. Galbeed waxa u hadhsani ma jirto 150 kun ayaanay ka badan yihiin gobolada Bariga oo todoba degmo ay ka maqan tahay. Labada degmo ee Laascaanood oo A grade ah iyo Buuhoodle oo B grade ah hadii ay codeeyaan ugu yaraan 75 kun way noqon karaan shanta degmo ee kalena way gaadhi karaan hadii aanay ka badanin 75 kun. Hadii ay taasi run tahay waxay ka dhigan tahay in Somaliland Bari iyo Galbeed tiro ahaan is ceshan karaan. Galbeed weliba waxa ku jirta Hargeysa oo Caasimaddii Somaliland ah inta reer bari joogtaana ma yara. Laakiin maadaama uu dhulka baaxad ahaan aad u wayn yahay marka loo eego galbeedka waxa laga yaabaa in loo qaadan karo inu cidla yahay. Tan iyo intii ay marxaladda doorashooyinka tooska ah bilawnay waxa inoo qabsoomay shan doorasho oo mid walba Gobolka Mariodi jeex uu ugu cod badnaa kaalinta labaadna mar kasta uu ahaa Gobolka Togdheer oo weliba Buuhoodle maqan yahay halka kaalinta sedexaadna mar walba Gobolka Awdal uu ahaa. Tirada kuraasiduna sidaa ayay u kala badan yihiin. Markaa waxan leeyaha aniga oo laftaydu ka soo jeeda Galbeedka waar kordhi deena mooyee armaa inaga daalac la inoo raacaa” ayuu Guddoomiye ku xigeenka UCID ku xidhay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *