BREAKING NEWS
Search

Calaamadaha Guusha Iyo Kuwa Guul Darro Ee Xisbiyada Tartamaya- W/Q: Mahad Muxumed C/salaam

Wakhtiyada ay soo dhawaato doorashooyinku inta badan xisbiyadu waxay isku dayaan inay kasbadaan dadka codkooda dhiiban doona si ay u hantaan hogaanka dalka, waxaana ay sameeyaan balanqaadyo kuwahan bulshada iyo kala jiidasho dhanka siyaasiyiinta ah, xafladaha dadka lagu soo dhawaynayaana tiro malaha.
Hase yeeshee marka wakhtiga doorashadu kaabiga yimaado waxa durbadiiba la arkaa dadkii iyo bulshadii lagu loolamayey oo meel u biyo shubanaysa waxaana taa lagu macneeyey in dadkeena oo kooban aawadeed si fudud loo saadaalin karo natiijada doorashada.
Xisbiyada haatan loolamaya ee Kulmiye, Ucid iyo Wadani ayaa dhanka ababulka kukala tegay marka loo eego dadka siyaasiyiinta ah eekala gelaya saddexdaa xisbi, tusaale haddii aan usoo qaato siyaasiin xilal hore ka qabtay xukuumada hadda iyo kuwii hore ayaa ku biiray xisbiga wadani, waxaana siyaasiyiintan dad badani u arkaan kuwo aan waxbuuran kusoo kordhinayn siyaada xisbiga wadani laakiin markii ay waayeen madal ay iska soo xaadiriyaan miciin biday xisbiga wadani. Waxa kale oo jira siyaasiyiin xilal ka qabtay xukuumada kulmiye hase yeeshee badi iscasilay oo wadani ku biiray iyaga laftooda waxa shaambad aan go’aynin ku noqotay haddaladoodii iyo amaantii ay amaanayeen xisbiga kulmiye wakhtigii ay xilka hayeen markaa inay dadka u sheegaan inay isbedel keenayaana dadka badan koodu dhag jalaq uma siinayaan oo waa la bartay.
Siyaasiyiinta laba bogleeya ee hadda badankoodu galeen wadani ayaa xisbiga laftiisa wax u dhimaya oo guul daro u horseedi kara.
Xisbiga Ucid isga cidiba ma hadal hayso waa xisbi guul daro isdaba joog ahi haleeshay imika oo doorashadii wax yari ka dhiman tahayna xitaa malaha musharax madaxweyne ku xigeen, waxaanay taasi muujinaysaa sida aanu rajo uga qabin hogaamin waxaana la odhan karaa gebi ahaanba wuu ka baxay saaxada siyaasada.
Xisbiga kulmiye waa xisbi baarka kajaray 15 sannadood 8 sanno oo uu mucaarid ahaa waxa lagu tilmaamay xisbiga Somaliland ugu balaadhan ee baarqabka siyaasiyiintu isku arkeen, 7 sanno oo uu Somaliland ka talinayey wuxuu muujiyey isbedel la taaban karo walaw ay qabyo badani jirto. Markale ayuu xisbiga kulmiye oo uu u sharaxan yahay waayo arag taariikhdii Somaliland Horaysiyo danbeetaba goob joog ahaa si muuqata u kasbaday dadweynaha Somaliland. Aqoonyahano iyo odayaasha dhaqanka ee Somaliland ugu magaca dheer ayaa xisbiga kulmiye garab istaagay waana astaan muujinaysa guul.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *