Calaamadaha Guul-wadeyaasha – Qalinka: Cali Cabdi Coomay

Asalka Erayga Guulwade
Guulwadeyaashu waxa ay la kowsadeen kacaankii Maxamed Siyaad Barre, waxaana la aasaasay Sannadkii 1972-kii. Waa ciidan u adeegi jiray Maxamed Siyaad Barre, loona sameeyey amaanta iyo buunbuuninta shakhsiyada Siyaad Barre iyo xaasaskiisa. Kamay tirsanayn ciidanka Booliska, Milatariga iyo dharcada basaasiinta ah. Waxa ay xidhan jireen dhar dooga ah ama akhtara, astaantoodu waxa ay ahayd Ilweyn oo cas, oo dadku ugu yeedhi jireen Ishii shaydaanka. Fikirka aasaaska Guulwadeyaashu wuxuu ka jiraa dalalkii Shuuciyadu ka jirtay, waxaanu Siyaad Barre ka soo dheegtay macalimiintiisii Shuuciyiinta ahaa. Guulwadeyaashu waxa loogu wanqalay Heestii Guulwade Siyaad, oo aroortii markay soo toosaan waxa ay ku digriyi jireen Heestaasi” Guulwade Siyaad Aabihii garashada geyankayow, hantiwadaagu waa habka barwaaqo noo horseedoo, barbartiyo shaqalaahow is-biirsada, oo ku balanqaad hantiwadaag inaad badbaadiisaan”
Shaqada Guuladaha
Sideynu xaga hore ku soo sheegnay waxa loo sameeyey guud ahaan amaanta iyo buunbuunta guulaha Kacaanku gaadhay, gaar ahaana inay Maxamed Siyaad iyo Xaasaskiisa si indho la’aan ah amaan aanay kasban ugu talaxtagaan, iyaga oo gaadhsiiya in ilaa heer lagu sheego astaamo Nebennimo, mararka qaarkoodna heer Malaa’iig. Wax kasta oo guul ah waxa ay u nisbayn jireen inuu Maxamed Siyaad keenay, waxaanu ahaa Guulwadaha guusha. “Nin guulwadayaasha madax u ahaa ayaa khudbad ka jeediyey xafladii xuska sannad-guuradii afraad ee aasaaskii Guulwadeyaasha ee sannadkii 1975-kii, oo Siyaad Barrana fadhiyo. Markaasuu ninkii isaga oo fulinayaa shaqadii loo abuuray yidhi” Jaalle madaxweyne adigu waxaad Nebiga NNKH ka meteshaa magaca iyo Distoorka, oo dalku wuxuu leeyahay 114 qodob oo Distoorka ah, halka Qur’aankuna yahay 114 suuradood. Xaaskaaguna waa Khadiija, oo waa la magac xaaskii Nebiga NNKH” dabadeed Maxamed Siyaad ayaa qosley, qosol ilaa feedhaha ka soo baxay.
Waxa kale oo Guulweyaasha caado u ahayd inay jeebkooda sare ku xidhaan sawirka Siyaad Barre, ka dibna qof kasta oo ka soo horbaxa waxa ay ku khasbi jireen inuu sawirka salaama, mararka qaarkoodna la dhunkado. Dadka shacabka ahi, way baqi jireen oo inta badan wixii ay Guulwadeyaashu faraan way yeeli jireen, waayo hadday diidaan waxa ku dhacaya xadhig ama dil aan sabab lahayn. Sannadkii 1976-kii ayey Guulwadeyaashu soo abaabuleen isu-soo-bax shacabka Hargaysa khasab guryaha lagaga soo saarayo, ka dib goobtii khudbada laga jeedinaayey ayuu nin ka soo dhexbaxay dadkii, markaasuu gacanta ka dhunkaday madaxii guulwadeyaasha, dabadeedna markii laga dareeray goobtii, ayaa ninkii loo bixiyey” Doofaar Dhunkade” naanaystaasi ninkii way la socota ilaa intii uu dhimaayey. sidoo kale wakhtiyadii -dhawr iyo sideetankii ayuu nin kale Maxamed Siyaad gacanta ka dhunkaday, isna waxa loo bixiyey” Ey dhunkade”.
Wakhtiyadii ay guulwadayaashu ay shacabka ku khasbi jireen inay u soo baxaan dabaaldega maalinta kacaanka (21 Oktoobar), ayay dooneen inay khasab ku joojiyaan nin Tabliiqi ahaa, oo suuqa Hargaysa dadka ku wacdiya, ka dib ninkii ayaa diiday, oo kolba meel dhigta makarafoonka, dabadeed maalintii dambe ayey ninkii yu bixiyeen “ GUULWADE RASUUL”.
Calaamadaha Guulwadaha Lagu Garto
Guulwadaha waxa lagu calaamado dhawr ah, balse waxa aynu dul-istaagi doonaa kuwa waaweyn:
– Wuxuu amaan aanu mutaysan kula dul-dhacaa cida xilka haysa shakhsiyadiisa, qoyskiisa iyo kuwa ka ag-dhaw. Dhaqankaasi dullinnimada ahi, Waan sida keliya ee uu wax kaga heli karo kuwa xilka haya.
– Waa kaba qaad aan aragti fog lahayn, oo mark kasta u sujuuda qof isaga la siman, balse xil ummadeed haya, waxna ku cabbira hadba xaaladuu ku jiro. Inta badan wuxuu caan ku yahay inuu meelaha fagaarayaasha ah madaxda horboodo una raxleeyo.
-Waa shakhsiyad liidata, oo aan marna ogolayn in la falanqeeyo guulaha iyo guuldarada la soo darista cida uu guulwadaha u yahay, indho la’aana ku taageera.
Waa biidhi-qaate sida macaan jecesha ugu nool shilimada ay siiyaan kuwa xilka hayaa, ee uu ku guulwadeeyo
-Waa shakhsi bilaa kalsooni ah, oo aan aaminsanyn inuu wixii Alle u qoray aanu sinaba ku dhaafayn, balse aaminsan inuu ku nool yahay is-hoos dhigida iyo liidashannimo.
Waa shakhsi diintu ku yartahay, Ilaahay ka fogaaday, kuna qanacsan dhaqanka dullinnimada ah ee uu isku hoos dhigida Bila’aadan isaga la siman.
Tartankii Loo Galay Guul-wadennimada
Wakhtiyadii dawladii Maxamed Siyaad Barre, ayaa tartan loo galay amaanta iyo is-hoos-dhiga Siyaad Barre. Dabadeedna waxa soo baxay natiijo fool xun oo abid aan la arag waxa la mid ah, waana dhaqannada beryahan dambe lagu arkay shakhsiyaad xilal ka haya xukuumadda Siillaanyo, waxba yaanan hadal idinku daaline waa tan natiijadii:
-Kaalinta Koowaad waxa galay Wasiir Hebel. Guulwadahani wuxuu jebiyey rikoodh in badan loo dhawaan waayey in la gaadho, oo muddo 40 sannadood. Waxaanu ku mutaystay markii uu ilaa heer uu amaantii Siyaad Barre barbardhigay inuu astaamo ka shabaho Rasuulkeennii” SCW”.
Kaalinta Labaad waxa galay Wasiir Hebel. Guulwadahani wuxuu soo kordhiyey dhaqan aan hore loo arag, ka dib markii uu Siyaad Barre Garoonka Muqdisho kabaha ugu dhex-baalasheeyay, ka dibna uu madaxa ka dhunkay.
Kaalinta Saddexaad waxa gashay guddoomiye Heblaayo. Guulwadadani waxa ay samaysay wax dumarku ka khashaafaan, iskuna caayaan markay coloobaan, ka dib markii ay xaflad ka dhacaysay madaxtooyada oo xaaska Siyaad Barre ay masarka ugu dhex-xidhay, ka dibna ay soo qaadatay shay ay wejigeeda ku marawaxadiso markay kululaato. Markay soo kacdana waxa ay hareeraha haysay diriceeda dhulka jiitamaayey
Kaalinta Afraad waxa galay wasiir Hebel. Guulwadahani wuxuu isna soo kordhiyey dhaqan ku cusub Soomaalida, ka dib markii uu ka shakiyey in xilka laga qaadayo, dabadeedna intuu u tegay xaaskii Siyaad Barre ayuu ka ag-ooyey, isaga oo ku barooranaya inuu guulwade yahay, oo Marwadu kala hadasho madaxweynaha si aan xilka looga qaadin
Kaalinta Shanaad waxa galay Wasiir Hebel. Guulwadahani wuxuu ka hadlay fagaarihii Tarabuunka ee Muqdisho, isaga oo ay ag-fadhido gabadh uu dhalay
Siyaad Barre, waxaanu ku sheegay inay tahay gabadha ugu caqliga badan dumarka Soomaalida.
Kaalinta Lixaad waxa galay Abwaan Hebel. Guulwadahani wuxuu alifay hees lagu amaanayo laba Wiil ee Maxamed Siyaad dhalay, waxaanu heesta u dhiibay Fannaan hebel oo ku luuqeeyey, waxaanu Abwaankani ka soo dhexbaxay Abwaanadii dalka joogay oo diiday inay tiriyaan midhaha amaanta qoyska madaxtooyada.
Ugu dambayntii wakhtiyadan dambe waxa Soomaaliaan ku soo badanayey dad ku sifoobay astaamihii guulwadeyaasha. Haddii aad aragto qof amaanta madaxdu afkiisa markasta ka soo baxayso islamarkaana indho la’aan wax ku taageeraya, waa guulwade kaba qaad ah, oo kalsoonidu ku yar tahay.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *