BREAKING NEWS
Search

Cadho Weyn Oo Ka Dhalatay Haween Muuqaalka Jidhkooda Foostooyin Lagu Tilmaamay

Colombo, January 27, 2018 (Foore) – Dalka Sri Lanka ee ku yaalla qaaradda Asia waxa cadho xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii shirkad ka shaqaysa arrimaha jidh-dhiska ay goob fagaare ah ku dhajisay boodh weyn oo xayaysiis ah, kuna soo sawirtay foosto, kadibna lagu qorey erayo lagu durayo dumarka sida “Kani ma aha qaabka dumarka ay u egyihiin”.
Xayaysiintan cadhada abuurtay ayaa waxaa lagu dhajiyay dariiqyada magaalada Colombo ee caasimadda dalka Sri Lanka, waxaana mas’uul ka ah shirkadda lagu magacaabo Osmo gym oo ah shirkad ka shaqaysa arrimaha dhinaca jimicsiga iyo jidh-dhiska oo boodhkaasi ku xayaysiinaysa in aan la jeclayn dumarka buurbuuran iyada oo doonaysa in ay suuq u hesho jiimka ay masuulka ka tahay shirkaddani oo ay haween badan u soo jiiddo balse dhinaca kale ayay isku rogtay oo boodhkii waxa si weyn uga cadhooday haweenka dalkaasi gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Colombo.
Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Mail, Dad badan oo dumar iyo rag isugu jira ayaa baraha bulshada ku baahiyay sawirka boodhka, iyaga oo aad u cambaareeyay farriinta ku qoran ama uu nuxur ahaan xambaarsanaa, kuna tilmaamay mid lagu bah-dilayo dumarka, jidhkoodana lagu fadeexaynayo.
Dadka qaar ayaa ku baaqay in laga baaqsado shirkadda Osmo in adeegyadeeda la isticmaalo waxaanay ku baaqeen in aan shirkaddaasi wax adeeg ah oo dhinaca jimicsiga ah aan loo doonan.
Shirkadda ayaan wax tallaabo ah ka qaadin arrintan, mana jirto raalli-galin ay ka bixisay waxaanay ku adkaysanaysaa in xayaysiiskaasi aanu ahayn mid ceebayn ah ee uu ahaa mid dhinaca kale ee qaldan loo fasirtay.
“Xayaysiiskani waxba kama duwana kuwii hore ee dumarka sida qaldan loo isticmaalayay, ee badeeco kasta lagu suuq geynayay muuqaalka dumarka, xitaa baabuurka, jidhkooda sida qaldan looga faa’iideysanayay” ayay BBC-da u sheegtay Marisa de Silva oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka.
Dumar badan ayaa isku dayaya in ay wax ka qabtaan boodhkan, iyaga oo xitaa u dacwooday shirkadda isal leh iyo dowladda dalkaasi Sirilankaba. Fariimo lagu wacyigalinayo dadka oo ku saabsan xuquuqda dumarka ayaa lagu dhajiyay meelo kale oo magaalada ka mid ah. Maalmo kadib boodhkii Osmo waa laga fujiyay halkii uu ku dhegenaa, lagama oga halka la geeyay iyada oo haween badan oo kacdoon ka sameeyey arrinkani ay guul u arkaan in ay shirkadda ku qasbeen in ay boodhkii lagu aflagaadeeyey ee foostada lagu tilmaamay la fujiyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *