Search

Cabsida Yurub Ka Qaadday Magacyada Islaamiga Ah Iyo Qoys Faransiiska Dacwad Lagaga Soo Oogay Markii Ay Wiilkooda Yar Ula Baxeen Magaca ‘Jihad’ + Magacyada Dalkaasi Ka Reebban!!

Qoys ku nool deegaanka Léguevin ee gobolka Toulouse ee Koonfur galbeed ee Faraniiska ayaa wiil yar oo u dhashay waxa ay ugu magac dareen ‘Jihad’ taasina waxa ay sabab u noqotay in dhamman qoyskii maxkamad lala tiigsado. Durbadiiba ilmahaasi yar oo dhashay Bishii August ee sannadkan 2017 waxaa dowladda hoose ee deegaankaasi ay dacwad ku soo oogtay waalidiinta inankan yar maadaama magacaasi uu yahay mid ay ka soo horjeesteen dowladda Faransiisku.
Faransiiska ayaa hore u mamnuucay magacyo dhowr ah oo qaarkood loogu yeedhi jiray rag falal argagixiso ka fuliyay dalkaasi, waxaana wakaaladda wararka AFP ay sheegeysaa in garsoorku uu magacaasi ka beddeli doono wiilka yar.
Qoyska dhalay Jihaad ayaa ku doodaya in erayga Jihad uu yahay magac Carbeed, si qalad ahna loo fahmay micnihiisa iyagoo sheegay in macnaha saxda ah ee eraygaasi uu noqonayo; dadaal, halgan ama naftoo lagala dagaallamo xumaha, balse aan loo fasiran karin in Jihad oo dhan uu yahay Jihaadka Islaamka ee dagaalka oo ay sas badan gaaladu ka qabto.
Xeerka magac bixinta Faransiiska ayaa sanadihii la soo dhaafay mamnuucay magacyo badan oo aan carruurta loo bixin karin; waxaana magacyadaa ka mid ah Nutella (Shukulaatada Geedka Kakaawga), Fraise (midho), Moche (fool xumo), MJ (Michael Jackson), Joyeux (Farxad), Titeuf (magac filim kartuun), Megane Renault (Baabuur Faransiisku soo saaro) iyo Itler and Iva.
Sannadkii 2010 qoys Faransiis ah ayaa wiil u dhashay waxa ay u bixiyeen MJ maadaama ay jeclaayeen Michael Jackson, hase yeeshee magacaasi waa lagu qabsaday illaa maxkamad lala tiigsaday, waxay waalidkaasi magaca wiilka yar ee MJ u sameeyeen bog Facebook oo ay cinwaan uga dhigeen ‘I taageera si magacayga la iigu daayo’ base maxkamaddii ayaa diidday magacaasi, waxaana markii dambe ay waalidkii keeneen fikir kale iyagoo ubadkoodii u bixiyay ‘Billie Jean’ oo ah hees uu qaaday Michael Jackson, sanadkii 1982-kii.
Bishii January ee 2016, waxaa iyana nin lahaa Eeyo uu laba Eey u bixiyay magacyada ‘Itla iyo Iva’ balse dacwad ayaa lagu soo oogay iyadoo loo sheegay in magaca Itla iyo Iva ay u eg yihiin magacyada Keligii taliyihii Jarmalka Adolf Hitler iyo xaaskiisii Eva Braun.
Carruur badan oo Faransiis ah ayaa waayadii hore loo bixiyay magaca ‘Moche’ ama Fool xumo xilligii dagaalkii 1 iyo 2 ee dunida, hase yeeshee magacaasi waa la joojiyay maadaama Faransiisku sheegeen in Moche ay isku dhawaaq yihiin erayga ‘Moshe’ oo ah eray ku jira afka Hebrew-ga ee Yuhuudda, waxaana macnihiisu yahay ‘Moses’ ama Muuse.
Dhinaca kale waxaa jirtay in sanadkii 2013, hooyo Faransiis ah ay wiilkeedii 3 jirka ahaa u dirtay Iskuulka iyadoo u xidhay funaanad ay xagga hore kaga qoran tahay ‘Waxaan ahay Bambaane’, xagga dambena waxaa ku qornayd ‘waxaan dhashay 11 September’ oo ah maalintii la bur buriyay xaruntii ganacsiga adduunka ee New York.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *