Cabdilaahi Yuusuf Oo SSDF U Matalayay SODARRE, Xuseen Caydiid Oo Diiday Iyo Go’aankii Itoobiya- Q: 96aad

Taxanaha Buugga Halgan Iyo Hagardaamo Ee Uu Qoray Kornayl Cabdilaahi Yuusuf…Q: 96aad

Meesha waxaa isugu yimid Soomaali keli ah iyo dhawr sargaal oo Itoobiyaan ah, badi dhinaca saadka iyo xidhiidhinta shirka dawladda Ethiopia ayaa naga taakulaynaysay, dooddii ka socotay siyaasiyiinta shirka ka soo qayb gashay hadba heer bay maraysay, waxaana loo wada hadlay si saraaxad leh, waxaa la isu dhaliilay si aanay naxariisi ku jirin, wax la isula hadhayna ma ay jirin, Cali Mahdi baa loo doortay guddoomiyaha shirka, gabagabadii shirka waxaa lagu heshiiyay in aan dawlad la dhisin, balse la sameeyo gole qaran oo qaban-qaabiya shirweyne loo dhan yahay, markii taladii la isla qaatay baa waxaa laga hadlay meeshii shirka lagu qaban lahaa.
SSDF waxay soo jeedisay kol haddii ayna maanta muqdisho nabad ahayn In madasha shirka laga dhigo magaalada Boosaaso, madax ka mid ah madaxdii shirka ka qayb galaysay baa arrintaas muran galiyay, iyaga oo ku andacoonaya in Boosaaso ay tahay magaalo ay beeli leedahay, waxaanse xasuusiyay in Muqdishoba beeli ay degan tahay waxaanan ka codsaday in aanu meel iska dhigno waxyaabaha caqabada ku noqon kara shirka loo wada fadhiyo, markii isla murankii shirka ka dhex socday batayna waxaan u soo jeediyaay haddi Boosaaso la diidan yahay anigu magaranayo meel kale oo nabad ah oo shirka lagu qaban karo, waxaan intaa ku daray in sidii horeba u dhci jirtay in shirka kan xiga lagu qabto dalka dibaddiisa, taladaasi se waxay shirka ka dhex dhalisay buuq fara badan oo la xakamayn kari waayay, dabadeed waxaa si cago jiid ah la isugu raacay in shrirka Boosaaso lagu qabto, markii arrintaas laga baxay waxaa laga dooday tirada guddiga Qaranka iyo sida loo qaybsanayo.
Waxaa goobtii isa soo taagay Cabdiqaadir ‘’Zooppe’’ oo soo jeediyay in tirada beeluhu ay kala qaadanayaan ay noqoto mid siman, buuq hor leh ayaa shirkii ka dhex dilaacay, Cabdiqaadir Zoppe taladiisii buu ku adkaystay dabadeed shirkii qiil qiil buu galay, waxaa khasab noqotay si shirka fashilaad looga hor tago in taladii Zooppe la yeelo, shirkii waxaa kale oo uu isku raacay in la sameeyo shan guddoomiye oo meerte ah, SSDF waxay gudoonsatay in aan anigu uga mid noqdo, Maxamed Abshirna SSDF sii hogaamiyo, beesha Absame waxay dooratay in uu u matalo mudane Aadan Gabyow, sidoo kale beesha Hawiye waxay wakiisheen Cali Mahdi iyo Cismaan Caato halka ay RRA u doorteen in uu u matalo shirka Cabdiqaadir Zooppe, waxaanu go’aan ku gaadhnay in qodobada aanu isku raacnay oo dhan la gaadhsiiyo dawladda Itoobiya, isla markaasna aanu ka dalbano xarun guddidu ku shaqayso, sidoo kale waxaanu ka heshiinay in weftiyadu deg deg dalkii ugu noqdaan oo toos loo hawl galo, markii shirku xidhmay waxaanu ku soo laabanay Addis Ababa, waxaanan xafiis ka samaysannay huteelka caanka ah ee GION si aanu shaqada ugu sii wadano.
Weftigii SSDF waxay ku soo noqdeen Boosaaso halkaas oo si fiican loogu soo dhaweeyay, raallina laga wada noqoy go’aamada ka soo baxay shirkii SODARRE, waxaannu deg deg u guda galnay hawlihii qaban qaabada shirka aanu ballan qaadnay in lagu qabto Boosaaso, waxaanu diyaarinay guddiyo kala duwan sida guddida dhaqaalaha, nabad-gelyada, warbaahinta iyo kan dejinta iyo soo dhawaynta martida, guddi kasta shaqadiisa si habsami leh buu u bilaabay isla markiiba waxaa la soo gaday teendho weyn oo shirka lagu qabto oo kharsah badani ku baxay, waxaana la diyaariyay huteeladii iyo guryihii dadka martida ahi degi lahaayeen, markii aanu inaas isku dubaridnay waxaanu safar u aadnay muqdisho si aanu xubnihii guddida ka tirsanaa ee Muqdisho ku sugan ula socodsiino heerka abaabulka shirku marayo, isla markaasna ugala tashano tallaabooyinka ku xiga.
……………La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *