Cabdilaahi Yuusuf Oo Qalliinkii Kasoo Kabtay Iyo Xusuus Qorkiisa Doorkii Uu Ku Lahaa SODERRE- Q:94aad

Taxanaha Buugga Halgan Iyo Hagardaamo Ee Uu Qoray Kornayl Cabdilaahi Yuusuf…Q: 94aad

Markii aan hawshii caafimaadka ka soo farxashay waxaan ka qayb galay shirar kala duwan oo jaaliyada Soomaaliyeed ee London degen isugu iman jireen, kuwaaas oo lagaga doodi jiray arrimaha Soomaaliya wixii hadba soo kordhana lagaga wada tashan jiray laguna falanqayn jiray, mustaqbalkana lagu odorosi jiray, shirarkaasi waxay u badnaayeen dood cilmiyeedyo iyo xog is weydaarsi, kama soo bixi jirin go’aano iyo halabuurnimo hor leh oo lagu dhaqaaqo. Inkasta oo labada jawi kala duwaanaayeen, waxaa la odhan karaa in shirarkaasi aanay waxba ka duwanayn kuwii ka socday majlisyada fadhi ku dirirka ee ay Soomaaliya caanka ku noqotay, arrimaha ugu muhiimsan ee dalka ka dhacay muddadii aan la legdamayay caafimaad xumada I soo foodsaartay waxaa ka mid ah bixitaankii ay UNISOM ka baxday dalka, dagaalkii beesha Sacad dhex maray,kaas o ay kala hogaaminayeen Janaraal Caydiid iyo Caato oo hore u ahaan jiary laba nin oo magac dheer ku lahaa USC Iyo Dilkii Caydiid, dilki Caydiid wuxuu soo afjaray loolankiii u dhaxeeyay Cali Mahdi iyo Caydiid kaas oo hareereeyay siyaasada Soomaaliya laga bilaabo 1991kii-1996kii.
Kadib markii ay dhamaatay hogaaamintii siyaasadeed ee Caydiid iyo Cali Mahdi waxaa dhacday in magaalada muqdisho lookala qaybsamo deegaamo yar yar oo qabaailku u kala xayndaabtaan, kuwaaas oo ay hojoogayaal ka yihiin hogaamiyayaal ama horjoogayaal ka yihiin ka yihiin qabqablayaal cususb, waxaa qabqablayaashaa laga tilaami karaa Qabyare oo deegaanka dayniike ku habsaday, muuse suudi yalaxow oo deeegaanka degmada madiina goostay, bootaan c caalin oo agagaraarka Sos Jidgooyo dhigtay, bashiir raage oo degadsa kaaraan qayb ka mid ah goostay, isla markaana meesha ka furay raadiye FM ah, kaas oo faafin jiray dacaayad ka dhan ah kuwa kale ee ka soo horjeeda, amamse uu neceb yahay, koox ganacsato ah oo uu xaaji abuukar cadaani hogaaminayo oo markii dekada waynayd xidhantay dakad macmal ah ka furtay Ceelmacaan halkaas oo ay ka soo dejin jireen dha,aan badeecadaha iyo qalabka ganacsi oo dhan.
Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo aan weli ka iman London ayaa waxaa ila soo xidhiidhay dawladda Itoobiya iyada oo dhanbaal ii soo marisay safaarada ay dawladda Itoobiya ku leedahay waddanka Ingiriiska siiba magaaladaan joogay ee London waxaana uu nuxurka dhambaalksaasi ahaa in siyaasadii Soomaaliya ay gashay qalaalaase hor leh oo aan la saadaalin Karin mustaqbalka taas oo ka dhalatay markii UNISOM ay ka baxday dalka, iyo dhamaadka taliskii Caydid oo ku beegnayd 1dii Ogsoto 1996, waxay ii sheegeen in aan la malayn karin waxa dhimashada Caydiid ka dib dhici kara, maadaama uu ahaa caqabada ugu weyn ee hortaagnayd nabadaynta iyo dibuheshiisiinta dalka, Ugu danbayn waxay dawladda Itoobiya dhambalkaas igaga codsatay in aan Itoobiya wadatashi u imaado, safiirka waxaan u sheegay in aan ogalaaday martiqaaadka ay dawladiisu ii soo fidisay, markii aan london ka dhamastay waxyaabihii igaga xidhnaa ayaa waxaan u duulay dalka itoobiya, siiba Caasimada Addis Ababa waxaananu kulanay wasiirka Arrimaha dibeda Itoobiya Mr Seyoum Mesfi, wxaanu igala hadkay sidii loo qaban lahaa shirweyne soomaaliya lagu heshisiinayo laguna badbaadinayo sidaas darteedna ay doonayaan itoobiya ahaan in ay abaabulaan shirweynahaas oo kale kuna kooban Soomaalida Koonfureed taas oo ahaa in aysan soomaaliland ku jirin.
Intaas kadib wuxuu ii sheegay in ay Itoobiuyaanku ii arkeen ninka kali ah ee Soomaalida isku keeni kara, siiba kooxaha kala duwan ee ka samaysmay koonfurta Soomaaliya, aragtida wasiirku soo jeediayay waxay iila muuqatay mid macquuul ah oo loo baahan yahay lagana fursan Karin waqti xaadirkan maadaama xaalada ay Soomaaliya ku jirtaa ay ku haboon tahay, waxaanse garan waayay danta ay itoobiya shirkaas ka lahayd, sidaas awgeed waxaan wasiirka weydiiyay maxsuulka laga filan karo in uu ka soo baxo shirka ay doonayaan in ay qabtaan, wuxuuse I sheegay in danta laga leeyahay ay tahay in laga wada tashado sidii Soomaaliaya dawalad loogu dhisi lahaa.
….La Soco
Qaybo Kale




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *