Search

Cabdi Ilay Oo Dib Loogu Doortay Hogaanka Cusub Ee Dawlad Deg. Somalida Itoobiya

Akhri Cidda Noqotay Afhayeenka Baarlamanka Iyo Saddexda Madaxweyne Ku Xigeen Ee DDSI

Jigjiga (Foore)- Wararka ka imaanaya Caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa sheegaya in shir ay isugu yimaadeen Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga SHDSI in lagu shaaciyay hoggaanka xukumadda cusub ee la filayo in shanta sano ee soo socota ay hogaamin doonta DDSI oo iyadu dib u heleyso hoggaan cusub kadib doorashooyinkii guud ahaan dalka Itoobiya ka dhacay bishii hore. Golaha Dhexe ee xisbiga aqlabiyadda dawlad deegaanka Itoobiya ayaa shaaciyay Mas’uuliyiin dhowr ah oo muddo 5 sano ah xilkaasi heyn doono waxaana kamid a xubnahaasi:-
1-Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Ilay):-Madaxweynaha DDSI
2-Maxamed rashiid Isaaq:-Afhayeenka Baarlamaanka
3-Aadan Kuusow:-Hanti dhowrka guud ee DDSI

Saddaxda madaxweyne ku-xigeen ayaa iyagana la doortay waxayna kala yihiin sidan:
1-Cabdixakiin Cigaal Cumar:- Madaxweyne Kuxigeen Ahna wasiirka Horumarinta magaalooyinka iyo Warshadaha
2-Mowliid Haayir Xasan:- madaxweyne kuxigeen ahna wasiirka waxbarashada
3-Sucaad Faarax:- madaxweyne kuxigeen ahna wasiirka Beeraha

Xubnaha dhiman ee xukumafda ayaa iyaguna lagu wadaa in dhawaan la shaaciyo. Xubnahani cusub ayaa imaanaya xili dhawaan shacabka Itoobiya ay u daruureen Doorsho nin iyo codkiisa aheyd oo aanay mucaarad xooggani ku tartamin iyada oo aan wali dhinaca kale la soo saarin natiijada hogaanka heer federaal.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *