Caanaha Dameeruhu Ma Caafimaadbaa, Muxuu Cilmiga Caafimaadku Ka Qabaa Maxayse Diinta Islaamku Ka Tidhi? – Qalinka: Dr. Cabdilaahi M. Mahdi

Mawduucani waa mid aqoon korodhsi ah ee ma aha talo bixin caafimaad iyo bogaadin ku aadan isticmaalka caanaha dameerka midna. Waxaan kaga jawaabi doonnaa su’aalo in badan la iga soo waydiiyey caanaha dameeraha anigoo xusaya taariikhda, caafimaadka iyo diinta islaamku waxa ay ka qabto isticmaalka caanaha dameerka.
Caanaha Dameerka iyo Caafimaadka:
Daraasado dhowr ah oo lagu sameeyay dalalka reer galbeedka waxaa lagu sheegay in caanaha dameerku ay xambaarsan yihiin faa’iidooyin nafaqeed iyo mid caafimaadba iyagoo wax ka tara xanuuno dhowr ah, kuwaasoo ay ugu horreeyaan xiiqda, qixda iyo xasaasiyadda caruurtu. Waxay kaloo cilmibaadhistu sheegtay in caanaha dameeruhu faa’iido u leeyihiin maqaarka jidhka iyagoo dhaldhalaal iyo nafaqo ka hela taasoo keentay in caanaha laga sameeyo saabuuno, kareemyo iyo saliido korka la mariyo. Waxay cilmibaadhisyadu isku waafaqeen in caanaha dameerka lagu badali karo caanah lo’da, lana siin karo caruurta xasaasiyadda ama allarjiga ku qaba caanaha lo’da “Cow milk Allergy”, sidaa darteed dalka talyaaniga, khaastaan magaalada “Bologna” waxaa ku taalla warshad wayn oo caanaha dameeraha u sameysa caruurta cilladan qabta waxayna ka iibiyaan isbitaallo badan oo Europe ku yaalla.

Caanaha Dameeraha iyo Taariikhda:
Caanaha dameerka oo lagu daaweeyo xanuuno ay ka mid yihiin xiiq-dheertu waxay ka jirtaa dalal aad u badan oo ay ka mid yihiin dalal islaam ah, taasoo caado dhaqan ahayd muddo aad u fog. Soomaalidu sidaasoo kale waxay ku daaweyn jireen cudurka xiqdheerta / qixda oo ku dhacda caruurta yaryar. Wadankii ugu horeeyay ee laga soo gaadhay adeegsiga caanaha dameerka in lagu daaweeyo xiiqdheerta waa dalka talyaaniga, iyadoo cudurka xiiqdheerta dalkaasi loogu yeedho “qufaca dameerka”, sidaa darteed waxaa loo malaynayaa in xilliyadii gumeystuhu uu dhulka Soomaalida soo gaadhay in caanaha dameerka lagu daaweeyo qixda, laakiin ma aha wax la hubo caafimaad ahaan.
Caanaha Dameeraha iyo Diinta Islaamka:
Waa xaaraan adeegsiga hilibka iyo caanaha dameeruhu, waxaana la xaaraantimeeyay sannadkii 7-aad ee tirsiga hijriyada, xilligii la furanayay kheybar. sidaa darteed culimada badankoodu way isku waafaqsan yihiin in adeegsiga caanaha dameerku uu xaaraan yahay, inkastoo culimadaasi ay shardi ka dhigeen in la adeegsan karo haddii waxtarkiisu hubaal yahay, baahina ay keento “daruuro” aan lagu dabooli karin qaab kale si loo badbaadiyo nafta qofka.
Inkastoo aan cudurkani lahayn daawo rasmi ah oo loogu tala galay, laakiin wuxuu leeyahay tallaal lagaga hortago. Waagii hore ee la isticmaali jiray caanaha dameerka, culimadii xilligaasi jirtay waxay odhan jireen qofkii caba caanaha dameeruhu hadduu jannada galo arki maayo ehelkiisa!! Mad-habka imaamu-shaafici oo ay Soomaalidu cuskato aad ayuu u caddeeyay inay hilibka iyo caanaha dameeruhu ay yihiin xaaraan adag in laga fogaadana ay waajib tahay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *