Search

“Caado Xun Oo Aad U Foolxun Oo Qabiil Ah Baa Gar-Adag Kasoo Bilaabantay, Qabyaaladduna Maanta Taariikhda Gar-Adag Bay Ku Gelaysaa.” Eng. Maxamed Xaashi.

Hargeysa(Foore) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa si adag uga hadlay Heerka Qabyaaladeed ee Dalka kusii kordhaya, waxana uu tilmaamay in Dawladnimadii loola kacay Dariiq qalloocan oo aan horumar lagu gaadhi doonin.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo u warramay Telefishanka Startv, ayaa masuuliyadda Qabyaaladda dalka kusii baahaysa ku tilmaamay mid kasoo bilaabantay shirkii ka dhacay Tuulada Gar-adag ee Beesha Bariga Burco ku go’aamisay in Madaxweyne Siilaanyo looga hadho tartanka Hoggaaminta Dalka oo xilligaas rag badani kula loollamayeen.
Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sheegay caado foolxun oo taariikhda Somaliland geli doontaa kasoo Bilaabantay Tuulada Gar-adag, “Ninka Qabiilka lagu doortay waa Siilaanyo oo inta Reerku Gar-adag ku Shireen ay yidhaahdeen Ninkaas ayeynu wadanaaye Ninkaas hana loo doorto, caado xun oo aad u foolxun oo qabiil ah baa Gar-adag kasoo Bilaabantay, waana tan imika aynu maqalno sanadkan Reer Hebel iyo Reer Hebel baa leh, Qabyaaladdu maanta Taariikhda Gar-adag bay ku gelaysaa.” Ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.
Eng. Maxamed Xaashi oo Hadalkiisa, ayaa ku dheeraaday sida Qabyaaladda Dalka taallaa sabab ugu noqotay in Reero gaar ah Kooto loogu xidho hoggaaminta dalka, waxana uu yidhi, “Saddex Reer uun baa Haatan Madaxtinimada u beretamaya, kuwaas oo kala ah Awal,Habar Yoonis iyo Habarjeclo. Intii kalena fursad ma laha si kastaba ha u wanaagsanaadeene, Dhibaatada dalka haysata oo qabiil ahina waa taas Gar-adag kasoo bilaabantay. Reeraha yar yar wasiir Buuxa lama siiyo oo wasiir-ku-xigeenno ayaa la siiyaa, wasiirradana inta waaweyn baa la siiyaa.”
Mar uu ka Hadlayey Tirada Wasiirrada Sii Kordhaysa iyo tayo-xumada adeegyada ay Bulshada u hayaan, ayaa waxa uu yidhi,“Waddaadanuna uma heellana inay diinta inagu dhaqaan oo iyagaaba xagga qabiilka kaga horreeya, Sidii reer walba wasiir loogu raalligelinayey ayeynu 57-Wasiir maraynaa, wax ay qabanayaana ma jirto marka laga tago kharajkooda iyo ka afmiishaarka la siiyo.”
Dhinaca Kale Eng. Maxamed Xaashi Waxa uu ka Hadlay xafiiltan siyaasadeed oo hore uga soo dhexeeyey isaga(maxamed Xaashi) iyo madaxweyne Siilaanyo, waxana uu tilmaamay inuu safka hore ka galo Degreetooyinka magacaabiseed iyo kuwa Xilka-qaadiseed ee Madaxweyne Siilaanyo“Shirkii SNM Jigjiga ku yeelatay ee Axmed Siilaanyo Lagu doortay waxan ahaa Ninkii Kali ahaa ee Diiday, Haddana waxan Noqday Kii uu Ugu Hor Magacaabay, markii aan Meeshii Hagaajiyey ee aan Dayntii ka bixiyey, ayuu sidii haatanba dhacday uu xilkii iga qaaday, Markaa imana magacaabi waayo kumana raago.” Ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *