BREAKING NEWS
Search

Buuggii Ay Qortay Hillary Clinton Oo Suuq Ballaadhan Dunida Ka Helaya Noqdayna Buuggii Loogu Iibsasho Badnaa Dunida In Muddo Ah!

Tododobaadkii ugu horreeyay tan iyo intii lasoo daabacay buugga xusuusteeda ay kaga hadlayso haweenaydii ku guul daraysatay in ay Madaxweyne ka noqoto waddanka Maraykanka ee Hillary Clinton ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu noqday buuggii loogu iibsashada badnaa dunida in muddo ah isaga oo maalin walba kumannaan nuqul oo buuggaasi ah dunida lagu kala iibsanayo.
Illaa iyo in ka badan 300,000 kun oo nuqul ayaa la sheegay in la iibsanayo toddobaad walba iyada oo toddobaadkii koowaad ee uu soo abxay buuggani suuqyada lagu kala iibsaday in ka badan Saddex Boqol oo kun oo Nuqul, waana tiradii ugu badnayd oo xilligaas lagu iibsado buug aan ahayn kuwa mala awaalka ah ee Novels ka loo yaqaano. Waxaanu sidaa ku noqonayaa buugii Arrin xaqiiqo ah laga qoro ama xususuus qor ah ee uu soo saaro qof madax ahi kii loogu iibsiga badnaa isaga oo ka dul maray buug badan oo dunida soo martay oo dad caan ahi qoreen. Buuggan oo lagu magacaabo ‘Maxaa Dhacay’ ayay Marwo Hillary Clinton kaga hadlaysaa doorashadii madaxtinimo ee uu kaga guuleystay odayga maal-qabeenka ah ee Donald Trump.
Buuggan Waxaa la daabacay 12-kii September ee sannadkan oo ah maalmo uun ka hor, waxaana la sheegay in uu dusha u marayo liiska buugaagta loogu iibsiga badanyahay ee lagu soo daabacayo wargayska caalamiga ha ee Sunday Times.
Carolyn Reidy oo ah agaasimaha guud ee shirkadda Simon & Schuster oo ah tan daabacday buugga ayaa tidhi “Waxaa jira dalab xooggan iyo rabitaan ka imanaya akhristayaasha oo ah in ay ogaadaan aragtida Hillary Clinton ee ku saabsan doorashooyinkii taariikhiga ahaa ee dhacay 2016-kii, buugga ‘What Happened’-Maxaa Dhaxay” waxa uu haqabtirayaa baahidaasi waxaanan ku faraxsanahay in akhristayaasha buugta jecel ee adduunka ku kala baahsani ay si layaab leh u soo dalbanayaan buuggan iibsigiisa”.
Waa buuggii saddexaad oo ay Marwo Hillary Clinton qorto, 2003-dii waxa ay qortay buugga Living History ama Taariikhda Nool iyo 2014-kii oo ay qortay buugga Hard Choices ama Dookha Qadhaadh. Dhammaantoodna waxa ay noqdeen buug aad loo akhristo oo ay dad badani iibsadeen balse kan ugu dambeeyey ayaa noqday kii loogu iibsiga badnaa buugteeda iyo guud ahaan buugta la daabacay sannadihii ugu dambeeyey. Waxa ay ku kala saabsanyihiin xilligii uu ninkeeda Bill Clinton ahaa madaxweynaha Maraykanka iyo markii ay iyadu ahayd xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka iyo kan ugu dambeeyey oo ay ka qortay markii ay doorashada Maraykanka ka qayb gashay oo ay ku guul-darraysatay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *