Burburintii Shirkii SODARRE, Doorkii Masar Ku Lahayd Fashilka Shirka Iyo Taladii Itoobiya Iga Diidday – Q: 97aad

Taxanaha Buugga Halgan Iyo Hagardaamo Ee Uu Qoray Kornayl Cabdilaahi Yuusuf…Q: 97aad

Markii waqtigii shirka la qaban lahaa soo dhawaaday baa reer Muqdisho dooddii Boosaaaso diidka ahayd soo cusboonaysiiyeen, sidaas oo kale waxaa ina Caydiid lagula taliyay in uu shirka carqaladeeyo, taladaasna waxaa ka dambaysay dawladda Masar, murankii oo halkii iska taagan baanu intayadii kale isku afgaranay in aannu dhaqaale weydiisano dawladdaha aanu saaxiibka nahay oo ay ugu horreeyeen dawladda Yemen, anaga oo dhaqaale doon ah oo Yaman ku sugan baa telefoon Addis Ababa nalaga soo wacay, aniga ayaa la ila hadlay waxaana la igu yidhi ‘’Fadlan Soo Gala’’, oo waxaad ka qayb qaaadanaysaan shirka dawladda Masar dalbatay in Qaahira lagu qabto, kaas oo Xuseen Caydiid ka soo qabgalayo, waxaana naloo sheegay in ujeedada shirka Masar ay u qabanaysaa ay tahay sidii loo midayn lahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kala qaybsan, telefoonkaasna waxaa ii soo diray Tekedu Alumu oo ah Wasiiru Dawlaha Arrimaha dibeda ee Itoobiya waanu I weydiiyay in ay ka fiirsadeen talada ah in Masar la tago.
Waxaan u sheegay in Masar ay khiyaamo waddo oo ay doonayso in ay nakala dirto meeshana ku baabiiso midnimaddii taagta yarayd ee aanu dhawaan SODARE ku soo yagleelnay, waxaan u sheegay in Masar mid mid u garanayso shakhsiyaadka guddidu ka kooban tahay isla markaasna ay yaqaanaan mid walba waxa qanciya sidaas darteed ay u fududahay in ay maarayso damacooda iyo baahidooda kala duwan dabadeedna ay arrinta ku soo gabagabaynayso mid ay lacag ku gadato iyo mid ay ballan qaad kale u samaysaba, nasiib darro wasiirku waa ka dhago adaygay wiixii aan kala hadlay wuxuu igu yidhi: ‘’Dad baa Alle idinka dhigay oo Masar iyo qolo kale toona idinma qasbi karaane waxaad leedihiin mawqif, kaas ayaad dufaacanaysaan ee waxaa loo baahan yahay in aad isku kalsoonaataan’’ Waxaan dib ugu noqdsay Hoteel Saba oo aanu daganayn, raggii baan shir isugu yeedhay warbixin buuxda waxaan ka siiyey waxii aanu wasiirka ka wada hadalnay, dabadeed waxaan u sheegay wixii aanu arrintaas ka odhan lahayn la inaga sugayo, guddidii waxay soo jeedisay in talada Masar la qaato, annigu hore baan u ogaa in xubnaha guddiga qaarkood xidhiidh la lahaayeen dawladda Masar, sidaas awgeed marna maan filay in ay codsiga Masar marna muran gelin karaan.
Burburintii Shirkii SODARRE
Dawlado badan ayaa daneeya arrimaha Soomaaliya, qaar dano istaraatiji ka leh, qaar dano shidaal ka leh, iyo waliba qaar daneeya xeebteeda dheerba, dawladahaasi waxay si qarsoon iyo si muuqataba oo taako taako ah ula socdeen wax alaale wixii dhulka Soomaaliya ka dhacaya, wazay noqotay wax dabiici ah in isku day kasta oo soomaalida dhexdeeda ka samayso ama beesha caalamkuba ku taageerto si Soomaaliya loo dabaqabto, ay wiiqdo faragalinta dawladdo ama kooxo dano gaar ahi ka leeyihiin Soomaaliya, waxaana ugu daran tan ka soo jeeda dawladdaha Masar iyo Itioobiya, labada dal oo malaha dhexdooda isku haya waxa ay jecel yihiin in muranada ka dhaxeeya ay Soomaaliya kula galgashaan, sida la ogyahay Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya adeegsiga iyo qaybsiga wabiga Niilka biyihiisa kaas oo sidii ay u wadaagi lahaayeen ay ku noqotay mushkilad istaraatiji ah iyo mid dhaqaaleba, waliba hadii la eego biyo yaraanta gobolka ka jirta, taariikh ahaan Soomaaliya iyo Itoobiya waligood ma yeelan wax xidhiidh ah oo isu soo dhaweeya, oo arrinta sooomaali galbeed baa waligeed abuuraysay xasaasiyad siyaasadeed waxay dhawr goorna ay isaga horyimaadeen dagaalo khasaare badan gaystay. dhinaca kale Soomaaliya iyo Masar waxay lahaan jireeen xidhiidh wanaagsan oo taariikhi ah masar waxay dadaal dheer u gashay sidii Soomaaliya ay xornimadeeeda u gaadhi lahayd waxay dhalinyarada soomaalya u furtay albaabada jaamacdaheeda oo dhan mid milatari iyo mid cilmiba, saamaynta ay dalka ku leedahay wuxuu ahaa mid taariikhi ah sudaas darteed Masar waxay walligeed jeclayd in aan Soomaaliya laga xigsan oo aysan ka bixin siyaasadeeda sidaas awgeed Masar ma qaadan karto in siyaasada Soomaaliya lagu maamulo oo aysan talo ku lahayn ay fusho, Masar waxay jeceshahay in Koonfurta Itoobiya ay ka jirto dawlad xoog leh oo Itoobiya culays ku hayn kartaa.
….La Soco




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *