Search

Bulshada Waxan U Sheegayaa Dhibka Bilayska Haysta Iyo Sida Ay Iyagoo Badqaba Nolosha Ugu Soo Qabteen Dadkii Hubka Kala Horyimid”Taliye Fadal

Hargeysa (Foore) – Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa Doraad Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Hawlgal Ciidanka bilayska lagu soo weerar Dhul ku yaala Xaafada Masalaha ee Koonfurta Hargeysa oo laba Askari lagaga dhaawacay,waxa uu Taliyuhu Bulshada u iftiinshay dhibka ay Ciidanka bilaysku kala kulmaan Hawlgalada Sharciga ah ee fulinayaan,waxa uu tiro koob ku sheegay sanadkan kala badh maraya Tirada Askarta Bilayska ah ee lagu wax yeeleeyay hawlgal,waxa kale oo uu Ciidanka Bilayska ugu baaqay in dhinacooda yareeyaan khasaaraha ay gaadhsiinayaa dadka dulmiga wax ku doonaya.
Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo afjarmay Hawlgal Ciidanku ku soo qab qabteen dad shacab ah oo hubaysan oo ciidanka soo weeraray ayaa waxa uu yidhi “Ciidanka Bilayska Hawshiisu waa mid joogta ah,waayo waxay masuul ka yihiin Amniga Gudaha,ee dalka,iyagoo diyaar u ah Difaaca Qaranka haddii ay timaado,Galabta waxaan iskugu kiin yeedhay waxaa jira dhul kuyaala Masalaha Galbeedka ee Caasimadda Hargeysa,oo mudo dheer dhinacyo kala gadisani isku haysteen oo muran ka taagnaa, dhinacyadaasi isku haystay dhulkaasi ee ku maransanaa ayaa waxa uu dhigay Koontiinar,ka bacdi Dawladda Hoose oo dhulka inooga masuul ah,Koontiinarkii ayay Ciidanka bilaysku soo qaadayeen dabadeed waxaa ciidanbkii lagala hor yimid iska caabin hubaysan,halkan waxaa yaala Laba Qori,Bambo,intaasi kadib waxaan idiin sheegayaa in halkaasi Hawlgal adag oo Rasaas la isku waydaarsaday ka dhacay,Ciidanka Bilayska Laba Askari ayaa ku dhaawacmay,mid dhaawac sahlan ah iyo mid ay Bawdada kaga dhacday”.
Waxa kale oo uu yidhi “Waxaa kale oo aan idiin sheegayaa inaanay taasi oo qudha ahayn,dhulku waa aafo Qaran,Rabshadaha dadku ku dhintaan ama ku dhaawacmaan Dhul ayaa sababa,Waxaan halkan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilan Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Hadda Guddi Wasiirro ah u saaray Sidii Arintaasi xal looga gaadhi lahaa,waayo Cidda ay arinta ugu culusi ka timaado ee ama shacabka ay iskaga hor yimaadeen Ciidanka bilayska waa dhulka weeyi,Haddaan Tusaale idiinku soo qaato,sanadkan Ciidanka Bilayska markaan labadaasi imika dhaawac ah ku daro waa 67-Askari,laba gaadhi ayaa iyagana Xabado ku dhaceen hawlgalkan,oo Alle uuni ka badbaadiyay Ciidankii saarnaa,waxa kale oo aan idiin sheegayaa Bishii sideedaa ee Sanadkan ayaa dabo Yaaqo ah,67 Askari ayaa Hawlgalo lagu dhaawacay,oo iyagoo fulinaya Hawsha Qaranka ay u idman yihiin, ninba si uu ku soo gaadhay,Qaar Xabad laguu dhaawacay,Qaar faash lagu dhaawacay ,Qaar Dhagax lagu dhaawacay”
Isagoo Khudbadiisa sii wata ayaa Waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa oo aan Bulshada halkan uga Iftiiminayaa in Ciidanka Bilayska Had iyo jeer la laalaayo,oo hub lagala hor yimaado,Tusaale,15-kii Bishii 5-aad 2015-kan,Buurta kala jeexa waxa lagu dilay laba Xubnood oo Ciidanka Bilayska ka mid ah oo dad shacab ahi ay dileen oo hubaysani sidoo kale Mudo yar kadib Xaafada Daloodha,waxaa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Bilayska oo isna Waajibaad Qaran fulinaya oo sitay Waaran Maxkamadeed,ayaa isagana Dhawr iyo labaatan xabadood laabta lagaga dhuftay,Isla maalintaasi mid ayaa isna la dhaawacay,waxaan halkan bulshada Somaliland uga sheegayaa Ciidanka Bilaysku inaanu hayn Cadaw ee uu yahay yahay Ciidankoodii,Waxaa kale oo aan u bayaaminayaa dadka meelaha ka hadla,waxaan jeclaan lahaa inay ciidanku waa ciidankii umada,waa ciidankii Bilayska,waa ciidankii Qaranka,ee u soo jeeda Habeen iyo Maalinba inay Ilaaliyaan Nabadgalyadooda”.
Isagoo hadlaya tirada dadka loo qabqabtay Hawlgalkaasi ayaa waxa uu yidhi “Hawlgalkan Waxa lagu soo qabtay 5-Qof,baadhistiina waa lagu jiraa,Laakiin halkan waxaan u iftiiminayaa bulshadu inay ogaato dhibka Ciidanka bilayska haysta,Sida loo laynayo,sida loo dhaawacayo,Umadu ma wada laynayso waxa weeyaan cid si khaldan u socota. Ciidanka bilayskana waxaan leeyahay,dadku waa dadkiiniii waa bulshadiinii,cida sida khaldan wax u turjuayysaa yaanay idinka faa’iidaysanin,dadkiina ilaaliya,Khasaaraha yareeya,sharciga iyo Nabadgalyada qaranka aad bulshada uga wakiil tihiina waa waxa aad u egman tihiin ee aad u gasheen Hawlgalka,waxaan mar labaad ku celinayaa oo aan bulshada,Waxgaradka iyo odayaasha,dhalinyarada iyo Aqoonyahanka u sheegayaa dhamaantood inay sidaa u ogaadaan,waxaana kuu cadaynaysa in Hawlgalkankan imika ciidanka lagu dhaawacay ay ciidanku kuwii dhaawacay ay soo qabteen iyagoo nabad qaba oo aan Xagtini gaadhin”. Ayuu hadalkiisa kuu soo koobay Taliyaha Fadal.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *