Search

Bulshada Somaliland Ee Hankiisa Musharaxnimo Ku Taageeraya Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Oo Aad U Soo Kordhaya Iyo Hal Ku Dhegyada Ay U Daliishanayaan Taageeradooda.

Hargeysa(Foore) – Dad weynaha taageerada ugu muujinaya Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Md Maxamed Maxamed Biixi Yoonis ee hankiisa Musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ayaa labadii cisho ee u dambeeyay si xoog ah u soo kordhaya waxaana arintaasi si weyn looga dareemayaa Baraha Internetka ee ay dad weynuhu ku soo bandhigaan ra’yigooda ee kuwada xidhiidhaan.
Baraha Facebookga ee bulshadu ku kulanto ayaa labadii cisho ee u dambeeyay si weyn loogu hadal hayaa musharaxiinta Xisbiga Kulmiye waxaana si weyn uga dhex muuqda Wasiirka Wasaarada Arimahah Dibada Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo bulshada Somaliland ee Facebookga isticmaashaa ku muujinayaa inuu yahay shaqsi ka mudan Marka loo eego Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay isku jifo ka soo wada jeedaan,islamarkaana loolankooda si weyn looga dareemayo guud ahaan Somaliland.
Qaarka mid ah taageerayaasha soo kordhaya ee Taageeraya Musharaxnimada Maxamed Biixi yoonis ayaa halku dhegyo ay soo dhigeen Facebookga ku yidhi sida” Xilligu waa qarnigii 21-aad sannadkuna waa 2015 xilligan looma baahna dagaal yahan, ee waxa loo baahan yahay aqoon yahan. Qasab kuma balweyn karo, haddaan sebenkan maantaa cid dooranayo waxaan taageersanahay una ololaynayaa Md. Mohammed Bihi Yonis. kuma dooran qabiilkiise waxaan ku raacay aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa”.
Nin Dhalinyaro ah oo qoraal dheer Facebookga soo dhigay ayaa isna waxa uu ku sifeeyay Maxamed Biixi sidan“MOHAMED BIHI YOUNIZ waa rugcada siyasadeed wa qof aqoon waayo aragnimo iyo xeeldheeri badan u le hagida iyo hogaaminta umad haday noqoto xag siyasadeed iyo xag dhaqaalaba Mohamed sida sooyaalkisa taariikheed inoo sheegayo waa nin lasoo dhaqmay dadyow kala duwan waxa halkaa kagaso baxaya dabciga iyo dad la dhaqankisu in uu wanagsanyey xagga siyaasadda waa masuulka looga dambeeyo wasaaradda mugga iyo miisanka ku leh dawladaha iyo dawladeenaba sideedana ugaso baxay wax aan ku dhaliilo maadama aanu lahayn kuna sifaysanyey inta arimood een kor ku xusay waxan tageersanay in uu musharax Ka noqdo xisbiga uu kamidka yahay ee kulmiye”.
Nin kale oo Sayid la yidhaa ayaa waxa uu bogiisa qoraal uu soo dhigay ku yidhi“Mohamed biixi yonis aqoonyahan karti iyo dadnimaba leh, qabyaalad aan agtiisa lasoo Marin haday khibrad iyo waayo aragnimo noqoto boqolaal wadan oo caalamka ah kasoo shaqeeyay, runti dadka taageersan inu madaxwayne mustaqbal noqdo Ayan ka mid ahay”.
Waxa jiro taageerayaal badan oo Maxamed Biixi ku sifaynaya inuu yahay shaqsi ka mudan Muuse Biixi oo u cuntami kara shacabka Somaliland marka loo eego taariikhdiisa aqooneed iyo kartida uu u leeyahay hogaaminta dalka Somaliland Siilaanyo Dabadii. Waxa jira dad badan oo ka digaya in Muuse Biixi lagu taageero hankiisa Musharaxnimo iyagoo u daliishanaya inuu yahay shaqsi aan ku haboonayn in cod loo waydiiyo Shacabka Somaliland,waxa ay dadkaasi ku sifaynayaa Muuse Biixi nin taariikh xun degta ku sita oo deegaamo hor leh oo Somaliland ku yaala Gabood falo iyo aanooyin qabiil ka gaystay.
Maxamed Biixi Yoonis ayaa lagu sifeeyay nin ku munaasib ah in lagu taageero inuu dalka hogaamiyo ka noqdo maadaama oo uu wakhtigiisa intii u badnayd ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay,sumcad iyo magacna ku leh caalamka oo wax weyn ka tari kara inay Somaliland aqoonsi ka hesho Beesha Caalamka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *