BREAKING NEWS
Search

Bukaan Badan Oo Kuyuu Dheer U Galay Dhakhaatiir Ajaanib Ah Oo Bilaash Loogu Galayo Dhakhtarka Weyn Ee Hergeysa

“Ehelada Bukaanka Wada Oo Lagu Soo Rogay Inay Iska Dabbaraan Lacagta Shaybaadhka Iyo Daawada Bukaanka Loo Qoro”.

Hargeysa (Foore) – Qaar ka mid ah Shacabka Reer Somaliland ayaa labadii Caano maal ee u dambeeyay kuyuu dheer ugu jira dhakhaartiir la sheegay inay ajaanib yihiin oo bilaash ku eegaysa Bukaanka,kuwaasi oo diyaar ku ah kana hawlgala Dhakhtarka weyn ee Hargeysa,waxa dhakhaatiirtaasi looga kala yimid Gobolada Dalka Somaliland.
Sida uu ku soo arkay Wariye Wargeyska Foore ka hawlgalaa,waxa maalmihii u dambeeyay buux dhaafiyay Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa dad bukaan socod ah kuwaasi oo kuyuu ugu jira dhakhaatiir Ajaanib ah oo dibada laga keenay oo rigli ku ah Cisbitaalka weyn,waxa ay dadkaasi qaab foolxun kuyuu ugu jiraan qolalka dakhaatiirtaasi fadhiyaan oo ku dhaw qaybta gargaarka deg deg ah ee Cisbitaalka ee Albaabka dibada ku dhaw. Waxa dadkaasi loo sameeyay ciidan bilays ah oo kala haga balse waxaa ka awood badnaa shalay oo kale dadka oo ka soo kala jabay Gobolada Dalka markii ay maqleen dhakhaatiir ajaanib ah ayaa bilaash ku eegaysa bukaanka,waxa ay Askartaa shalay la cadil naayeen kala horista dadkaasi iyo qaabkii ay ugu cadaalad samayn lahaayeen.
Sida Wariye Wargeyska Foore ka tirsan ay u xaqiijiyeen qaar ka tirsan hawl Wadeenada Cisbitaalku,maaha wada bilaash adeegga loo qabanayo dadkaasi balse waxa lacag la’aan looga dhigay oo keliya eegista Dhakhtar oo halkii gaadh lacag ah laga goosan lahaa ayaa dadka bilaash looga dhigay,waxana dadka laga qaadayaa lacago kale oo badan oo adag oo qaarkood aan hore loogu sii sheegin dadkani bilaashka ku soo qamaamay balse imika uun ka war helay,waxa gabi ahaan lacag ah qaybaha shaybaadhka oo qofkasta oo dhakhtarka u gala loo dirayo,waxa kale oo iyaduna laga iibinnayaa bukaanka baadhista kadib daawada uu qaadanayo oo lagu dhex iibinayo Cisbitaalka weyn dhexdiisa,waxa ay dadka qaar ka cabanayeen kuyuuga oo qasan,dadka oo badan iyo lacagtan lagu soo rogay Daawooyinka iyo shaybaadhka oo aanay hore ugu soo talo galin iibsiga wax daawo ah,iyagoo u fahmay inay gabi ahaanba adeegu yahay bilaasha,waxa intaa dheer qaliinka oo isaguna lacag ah oo qofka bukaanka wadaa iska bixinayo waxa uu qaliinkaasi ku kaco ee lacag ah.
Maaha markii u horaysay ee Dhakhtarka weyn ee Hargeysa la keenay Dhakhaatiir Ajaanib ah balse dhawr jeer oo hore oo la keenay ayaa xoog looga dayriyay Aqoontooda dhakhtarnimo iyo adeegga ay bulshada u fidinayaan oo aan kaafi ku ahayn baahida Caafimaad ee Dhakhtarka weyn taala oo aad u balaadhan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *