Boqorka Sucuudiga Oo Hambalyo Qalad Ah U Soo Diray Xasan Sheekh, Iskuna Qalday Maalinta Xornimada Dalkaasi Iyo 21-Ka October Oo Ah Inqilaabkii Siyaad Barre

Riyaad (Foore)- Shalay oo ay Bishan October ahayd 21 waxa ay ku beegnayd Sannad Guurada 47aad ee ka soo wareegtay Maalintii uu dalka Soomaaliya xukunka Milatari ku qabsaday Janaraal Maxamed Siyaad Barre ee uu Soomaaliya ka curtay Kacaankii Milatariga ahaa ee burburka u hor seeday Gayiga Soomaaliya, Waxase Haddaba arrin lala yaabo noqotay oo si weyn looga hadal hayaa warbaahinta dhambaal Hambalyo ah oo Boqortooyada Sucuudi Carabiya shalay u soo dirtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku sheegeen in ay ugu hambalyaynayaan wax ay ku sheegeen xuska Maalinta Qarannimada Dawladda Soomaaliya.
War-saxaafadeed shalay ka soo baxay qasriga looga arrimiyo waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo uu ku saxeexnaa Boqorka waddankaasi Boqor Salmaan binu Cabdul Casiis Ala Sacuud ayaa lagu sheegay hambalyo uu boqorku u dirayo madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliya oo uu ku hambalyaynayo Xuska Maalinta Qarannimada Soomaaliya oo uu ula jeedo 21-ka October oo shalay ku beegnayd balse maalintani aanay xaqiiqo ahaan ahayn maalinta qarannimada dalkaasi Soomaaliya oo ah 1-da Juulay oo ah maalintii ay dalkaasi xornimada ka qaateen Talyaaniga iyo midawgii Somaliland iyo Soomaaliya.
Hambalyadan Sucuudigu diray ayaa lala yaabban yahay sida ay ku timid maalintan ay hambalyada ka direen aanay ahayn maalinta qaranimada Soomaaliya illaa haddana dawladdaasi kama ay hadal sida qaladkaasi uga dhacay iyo in uu ahaa mid u kas ah labadaba.
Dhambaalkan hambalyada ah oo ay shalay baahiyeen warbaahinta Sucuudiga iyo dalalka kale ee carbeedba ayaan ka soo xiganay wargeyska caanka ah ee AL-SHARQ kaasi oo u dhignaa sidan:
“U Adeegaha labada Xaram ee Shariifka ah Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis waxa uu hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku hambalyeynaya munaasibadda maalnta qarannimo ee dalkiisa. Boqorka oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca shacabka Boqortooyada waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliya u rajaynayaa caafimaad, barwaaqo iyo horumar ay gaadhaan shacabka Soomaaliya ee aannu walaalaha nahay. Sidoo kale waxa hambalyadaasi mid la mid ah diraya dhaxal sugaha, ahna Ku Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda iyo wasiirka daakhiliga Saaxibu Sumuwu Amiir Maxamed Binu Naayif Binu Cabdulcasiis, waxa kale oo isna hambalyo taasi la mid ah diraya dhaxal sugaha labaad Waliyu Waliyu Cahdi Ku Xigeenka labaad ee Majliska Wusarada ahna Wasiirka Gaashaan dhigga Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdul Casiis, oo shacabka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Xasan Sheekh u rajaynaya horumar iyo badhaadhe sannadka sannadkiisa” Ayaa lagu yidhi hambalyadan boqortooyada ka soo baxday ee qaladka ah maadaama aanay shalay ku beegnayn maalinta xornimada dalkaasi Soomaaliya balse ay tahay maalintii uu dalkaasi xukunta Millatari ku qabsaday Janaraal Maxamed Siyaad Barre.
Inta badan waxa la sheegaa in hambalyooyinka madaxda caalamka ay u diraan boqorrada carbeed xusaska maalinta qaranimada ay yihiin kuwo wakhtiyo badan qaldamada sababo la xidhiidha farsamo xumo dhinaca diyaarinta hambalyooyinkan ah, waxaana wax lala yaabbo ah nidaam ahaan in boqor dhan oo dal islaam ah hor fadhiyaa ummad kale ku hambalyeeyo maalin aan ahayn maalinta uu ula jeedo iyada oo aanay waliba xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya ka hadal hambalyadan heehaabaysa ee aan marinkeda haysan.
Shacabka Somaliland ayay maalinta 21-ka Oktoobar ugu astaysan tahay maalin madaw oo uu dhashay kacaankii luggooyo ee dhibaatada badan qarankan Somaliland iyo shacabkiisa soo gaadhsiiyey.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *