BREAKING NEWS
Search

Boqor Raabbi Oo Si Weyn Uga Hadlay Qiimaha Iyo Abaalka Uu Dalka Ku Leeyahay Musharraxa Madaxweyne Ku Xigeen Cabdilaahi Dheere

Hargeysa (Foore)- Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland ayaa si weyn u taageeray Musharraxnimada Madaxweyne ku xigeen ee uu ku dhawaaqay Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) oo lagu tilmaamo shakhsi si weyn uga soo qayb qaatay nabadayntii iyo walaalnimadii beelaha Somaliland muddo dheerna ku soo jiray shaqada Golaha Guurtida Somaliland.
Boqor Raabbi waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo Musharraxnimada Cabdilaahi Dheere oo uu ku sifeeyey nin nabadeed qiimo badan oo wadankiisa abaal weyn ku leh una qalma in uu dalka hogaamiyo.

Halkan ka daawo Khudbadda Boqor Raabbi ku taageerayo Musharraxnimada Cabdilaahi Dheere




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *