Search

Boorama: Shil Baabuur Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Laba Haweena

 

Boorama (Foore)- Shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac laba qof ah ayaa shalay subaxnimadii hore waxa uu ka dhacay badhtamaha caasimadda gobolka Awdal ee Borama, kadib markii gaadhi ay leeyihiin ciidamada ammaanka ee Somaliland halkaasi ku jiidhay.

Alla Ha u naxariistee waxa shilkan ku geeriyootay Marxuumad Xalwo Barkhadle Dugsiiye waxaana ku dhaawacantay Qamar Nuur Xandulle oo ahaa laba haween ah oo ku ganacsanayay meel u dhaw halka shilkani ka dhacay.

Wararka aanu ka helayno caasimadda gobolka Awdal ee Boorama ayaa sheegaya in labadan haween ah ee shilku ku habsaday ay wakhtigii shilkaasi dhacayay ku guda jireen hawl maalmeedkoodii caadiga ahaa iyaga oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dadka ku ganacsada badhtamaha magaalada Boorama.

Qamar Nuur Xandulle oo ah haweenayda shilkan dhaawucu ka soo gaadhay ayaa wakhtigan lagu daaweynayaa cisbitaalka guud ee magaalada Boorama. Gaadhigan labada haween ah ku jiidhay Boorama oo ay lahaayeen ciidanka Booliska ayaan si rasmi ah ilaa imika loo garanayn sababta keentay shilka uu sababtiisa lahaa waxaana baadhis ku wada ciidanka nabad gelyada waddooyinka.

Guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayay maalinba maalinta ka dambaysa ku sii kordhayaan shilalka ka dhaca waddooyinka iyo faras magaalayaasha iyo waliba jidadka isku xidha magaalooyinka oo sannadkiiba ugu yaraan tiro dad ahi ugu dhintaan uguna dhaawacmaan. Sababo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan masuuliyad darradda wadayaasha gaadiidka iyo waddo xumida ayaa loo aaneeyaa in badiba ay shilalkani ku yimaadaan. Magaalada Boorama ayaa ka mid ah magaalooyinka saxmadda gaadiidku dhibta ku hayso oo aan lahayn waddooyin faalal ah oo ay dadka iyo baabuurtu isku waydaaran karaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *