BREAKING NEWS
Search

Booliska Wajaale Oo Gacanta Ku Dhigay Ugaadh Duur-Joog Ah Iyo Kooxdii Ka Ganacsanaysay

Wajaale (Foore)- Ciidamada Bilayska Degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa Khamiistii Darraad waxa ay Gacanta ku dhigeen Xayawaan Duur Joog ah oo laga soo tallaabiyey dhinaca wadanka Itoobiya.
Duur-joogtan ayaa hab Ganacsi qarsoodi ah waxa la doonayay in loogu soo tallaabiyo dhinaca Somaliland si loogu sii Dhoofiyo dalalka Carabta. Booliska Degmada Wajaale ayay u suurta gashay in ay Gacanta ku soo dhigaan Dhammaanba Xayawaankii Duurjoogta ahaa iyo kooxdii qarsoodiga ku dhoofinaysay iyo waliba Dilaaliintii iibka Duurjoogtan Fududaynaysay. Wararka aanu ka helayno arrintan ayaa sheegaya in Xayawaankan Tiradoodu dhammayd Shan Xabbo oo isugu jiray Saddex Shabeel, Libaax yar oo Dhal ah iyo Hal Harimacad.
Dhammaan Xayawaankan ayaa ah kuwo Dhalo ah oo yarar kuwaasi oo muddo laba maalmood ah hab qarsoodi ah loogu hayay Guri ku yaalla magaalada Wajaale halkaasi oo ay markii dambe ugu yimaadeen rag Ganacsiga Noocan ah ku jira oo doonayay in laga iibiyo. Ciidamada Booliska ayay u suurta gashay in ay arrintan ogaadaan kadib markii kooxda Duur-joogtan wadatay iyo kooxdii iibsanaysay kuwaasi oo isku af garan waayay qiimaha lagu kala iibsanayay Ugaadhan. Is afgaran waaga dhinaca iibka ah ee labadan kooxood dhex maray ayaa sababay in warkii Ugaadhani dibadda u soo baxo sidaana ay Boolisku ku soo qabteen.
Xayawaankan Duur joogta ah ee yaryar iyo kooxdii iibinaysay ee wadatay ayaa dhammaantood wakhtigan ku xidhan Sal-dhigga Booliska ee Degmada Wajaale. Iyada oo falkaasi loo qabtay dhawr nin oo boolisku hayaan. Sidoo kale Booliska Wajaale ayay u suurta gashay in ay dhammaan gacanta ku soo dhigaan koox dilaaliin ah iyo kuwii doonayay in ay iibsadaan Ugaadhan.
Inkasta oo Duur-joogta sifo sharci darro ah looga soo qabqabto gudaha Somaliland oo dibadaha loo iib geeyo hadana arrintani waxa ay noqonaysaa markii ugu horraysay ee si cad gacanta loogu soo dhigo Xayawaano Duur Joog ah oo laga soo tahriibiyey gudaha dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *