BREAKING NEWS
Search

Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Madaxa Faya-Dhowrka Gobolka Maroodi-Jeex

Hargeysa (Foore)- Ciidamada booliska Magaalada Hargeysa ayaa goor dhawayd xabsiga u taxaabay madaxa caafimaadka guud ee Gobolka Maroodi-jeex ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Faarax Axmed.
Sarkaalkan ka tirsan Wasaarada Caafimaadka waxa xidhay ciidamo boolis ah oo u soo diray isku duwaha gobolka Maroodi-jeex ee Gobolka ee Wasaarada Caafimaadka Dr Sayid oo maalmihii u dambeeyay uu khilaaf ku xidhiidhsan shaqadoodu ka dhaxeeyay.
Madaxa caafimaadka guud ee Gobolka Maroodi-jeex oo Wariye shabakadda Ramaas ka tirsani ku booqday Saldhiga dhexe ee Hargeysa, ayaa sheegay in xoog lagu soo xidhay isla-markaana ciidamo boolis ah oo aan sidan wax waaran qabasho ahi ay gaadhi ku eryadeen, ka dibna qoryo ku qabteen ay xoog ugu soo xidheen saldhiga dhexe ee Hargeysa, waxaanu sheegay in cidii xadhigiisa ka dambaysay iyo dad shacab ah oo la socday askarta xooga ku qabatay midna aan la soo xidhin, balse isaga oo kaliya la xidhay, taasi oo uu sharci daro ku tilmaamay.
Maxamed Faarax, waxa uu sheegay inay isku duwaha uu ka dhexeeyo khilaaf ku aadan awooda shaqo ee ka dhaxaysa, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in dhowr maalmood oo hore uu si badheedh ah gaadhiga u jiidhsiin gaadhay.
Isku duwaha Wasaarada caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex, oo aanu isku daynay inaanu arintan wax ka waydiino ayaanay noo suurto-galin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *