Booliska Oo Qabtay Saddex Nin Oo Ka Mid Ah Eedeysaneyaashii Dilkii Seemaal

Hargeysa (Foore)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo ka mid ahaa sagaalkii eedaysane ee loo haystay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal. Warkan oo aanu ka soo xiganay shabakadda wararka ee Somaliland.org waxa uu intaasi ku darayaa in inkasta oo magacyada Sadexdan nin la shaacin hadana ciidanku gacanta ku dhigeen saddexdan nin oo ka mid ahaa sagaalkii nin ee dhawaan xukuumadda Somaliland magacyadooda shaacisay ee ay ku eedaysay ay ka mid ahaayeen.

Mid ka mid ah saddexdan nin ayuu warkani sheegayaa in lagu qabtay magaalada Gabiley ka dib markii xogtiisa la helay, midna lagu qabtay isagoo marayay agagaarka degmada Dilla.

Warku waxa uu intaasi ku daray in ka sadexaadna uu isku soo dhiibay ciidamadda ku sugan deegaanka Ceel-bardaalle ka dib markii sahaydii ka go’day.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *