BREAKING NEWS
Search

Booliska Oo Qabtay Koox Tuug Ah Oo Baabuur Kuwa Raaxada Ah Kula Baxsanayay Laba Neef Oo Xoolo Ah!

Waxa ay noqotay mid ka mid ah qisooyinka layaabka leh ee maalmihii ugu dambeeyey warbaahinta sida weyn loogu hadal hayo kadib markii baraha xidhiidhka Bulshada lagu baahiyey sawirro muujinaya koox tuug ah oo gacanta lagu dhigay baadhitaan muddo qaatay kadib markii ay kooxdaasi gaadhi kuwa raaxada ah ee qaaliga ah ay kula baxsanayeen neef Lo’ ah kaasi oo ay gudihiisa saareen.
Booliiska dalka Uzbekistan ayaa xidhay laba nin oo xaday xoolo ka dib markii la lagu qabtay iyaga oo ku wata gaadhi aad qaali u ah, ahna gaadiidka yaryar ee raaxada.
Askar ka tirsan booliiska gobolka Bukhara ee dalka Uzbekistan ayaa baadhitaan ku hayay dad deegaanka ah oo sheegay in laga xaday laab Neef oo kala ah Sac iyo Lax, waxaana u suurto gashay in ay dabo galaan kooxdii looga shakisanaa in ay labadan neef soo xadeen, sida uu ku warramay wargayska UzNews ee ka soo baxa waddanka Uzbekistan.
Si aan looga shakiyin markii ay xatooyada samaynayeen waxay Laxda iyo neefka Lo’da ah saareen gaadhi qaali ah oo noociisu yahay Malibu Chevrolet kaas oo uu leeyahay mid ka mid ah labada nin, sida ay booliiska deegaanku sheegeen.
Shirkadda gawaadhidaas samaysa ee Maraykanka laga leeyahay ayaa caan ka ah dalka Uzbekistan maadaama shirkaddaasi ay hoostagto ee General Motors oo iyadu warshad ku leh dalkaas, sannadkii 2013kiina dadaal lagu doonayay in gawaadhi qiimo jaban lagu helo ayay ka dhacday xaalad buuq ah oo keentay in dad badani isku dhacaan iyaga oo boobayay gaadiidka jaban.
Waayadan dambe way sahlan tahay in la iibsado gaadhiga Chevrolet, balse Malibu ayaa wali aad qaali u ah. Waa gaadhiga ugu qaalisan ee dalka Uzbekistan gudihiisa lagu sameeyo wuxuuna ku kacaa 30,000, taas oo boqollaal jeer ka badan lacagta bishii soo gasha dadka intooda badan.
Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa aad uga helay sheekadan. Qof Facebook isticmaala ayaana soo qoray: “Ugu yaraan Neefka Saca ahi wuu faraxsan yahay” mid kalana wuxuu ku kaftamay “Dabcan waa la xaday sida caruusadda ayaase lagu galbiyay gaadhi noociisu yahay Malibu”. Labadii nine e labadan neef soo xaday ayaa xabsiga la dhigay iyaga iyo gaadhigii qaaliga ahaa ee ay ku soo xadeen halka labadii neefna loo celiyey ninkii xoolo dhaqatada ahaa ee ay ka dhaceen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *