BREAKING NEWS
Search

Biyaha Badda Cas Oo Kacsan Ayaa Sababay In Maraakiib Badani Tahli Waayaan In Ay Ku Soo Xidhaan Dekedda Berbera

Berbera (Foore)- Maraakiib dhawr ah oo ku xidhnaa dekedda magaalada Berbera ayay suurta gali wayday in si degdeg ah rarka ay sidaan looga dhigo kuwo kale oo bad-weynta ku soo jirayna ay u suuroobi wayday in wakhtigii loogu tala galay ay ku soo xidhaan marsada caalamiga ah ee Berbera.
Arrintan ayaa ka dambaysay markii ay xeebta badda Cas ee Somaliland ay saameeyeen dabaylo xad dhaaf ah oo keenay in biyaha baddu aad u sare ugu kacaan taasina xannibto hawl maalmeedkii sida caadiga ah uga socday Dekedda Berbera iyo marinkii maraakiibtaba.
Sida aanu ku helayno wararka magaalada Berbera naga soo gaadhayaa, waxa dekebadda Berbera maalmihii ugu dambeeyey ku sugan maraakiib dhawr ah oo sida badeecooyin kala duwan oo u raran ganacsatada reer Somaliland kuwaasi oo ay suurta gali wayday in si dhakhso ah rarka ay sidaan looga dejiyo kadib markii biyaha baddu aad u kaceen gufaacooyin biyo xambaarsanina ka soo baxayaan dhinaca badda.
Warkani waxa uu intaasi ku darayaa in dhawr markab iyo tiro doonyo ahi wakhtigan ku sugan yihiin gudaha biyaha badda Cas inta u dhaxaysa Somaliland, Yemen iyo Cummaan kuwaasi oo tahli waayay in ay safarkooda si caadi ah u soo wataan iyaga oo u soo jihaysnaa dhinaca marsada Berbera waxaanay taasi ka dambaysay markii dabaylo xoog lihi ku dhufteen biyaha badda cas iyo gacanka Carabta, arrintaasina keentay in doonyaha iyo maraakiibtaasi baroosinka dhigtaan badweynta si ay uga gaashaantaan dabaylaha iyo badda oo kacsan.
“Adeer wax dhibaato ahi ma jiraan, balse badda ayaa aad u kacsan. Dabaylo si caadi ah wakhtiyadan oo kale u dhaca ayaa keena in biyaha baddu aad sare ugu kacaan. Waxa ay arrintaasi yar hakisay shaqadii aanu dekedda ka wadnay balse ma odhan karno waa wax sidaa u weyn oo xannini kara hawlaha dekedda”. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala dekedda Berbera oo aanu xalay khadka taleefanka kula xidhiidhnay isaga oo jooga Berbera.
Maraakiibta biyaha badda ku sugan ee habeen hore dekedda Berbera ku soo xidhan kari waayay iyaga oo qaar ka mid ahi doonayay in ay xoolo qaadan waxa ka mid ah: MV Hamza, MV Mastura, MV Baraka 5, MV Al-Iman iyo kale oo badan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *