Search

BITCOIN: Shacabweynaha Aduunka Oo Markii U Horeesey Awood u Yeeshey Iney Daabacan Karaan Lacagahooda- Qalinka: Bashiir Cali Cabdi (Abu Taariq)

Qoraalkeygan kooban waxaan ku lafa-guri doonaa suaalaha ay ka mid yihiin; Maxay tahay Bitcoin?… Yaa sameeyey?… Sidey u shaqeysaa?… lacagaha kale ee la isticmaalo sida Doolarka iyo Euro-da maxay Bitcoin kaga duwan tahay?… Khasaaraha iyo faa’iidooyinka la xidhiidha Bitcoin? Iyo suaalo kale oo aad u muhiim ah lana xidhiidha mawduuca.
WAA MAXAY BITCOIN?
Bitcoin waa nooc cusub oo ku soo kordhey lacagaha aduunka, loona isticmaalo in lagu kala iibsado alaabooyinka iyo adeegyadda guud ahaana waxay leedahay astaamaha lacagi leedahay oo dhan. Bitcoin waxa la sameeyey horaantii sanadkii 2009 oo uu sameeyey qof aan ilaa hadda la aqoonsaneyn cid uu yahay balse magaciisana wakhtigaasi ku sheegey Satoshi Nakamoto, hadaba Mr. Satoshi markii uu sameeyey Bitcoin ayaa maqalkiisa u danbeysey.
Intii u dhaxeesey sanadihii 2011 – 2013 ayey aaladda Bitcoin aad usoo shaac-baxdey kadib markii dad badan oo danbiilayaal ah oo ay ugu horeeyaan dadka Malaayiinta Doolar ka sameeya sifooyinka sharci daradda ah sida Mukhaadaraadka iyo Maandooriyayaasha ay bilaabeen iney aad u isticmaalaan aaladda Bitcoin, iyagoo ku iibsanaya Malaayiin Doollar, dabadeedna lacagtaasi ay ugu muuqato mid sifo sharci ah loogu maalgashadey (Money Laundering).
Ilaa hadda Bitcoin waxay u muuqataa aalad aad la isugu khilaafsan yahay Sharci ahaan. Khilaafka iyo cabsida weyn ee la xidhiidha Bitcoin waxa loo sababeyn karaa iyadda oo Dawladihii iyo Bangiyadii dhexe ee awooda u lahaa iney daabacaan isla markaasina maamulaan lacagaha ay awoodaasi farahoodii ka baxdey, shacabkuna ay hadda sameysan karaan lacagahooda ay u isticmaalayaan iney ku kala iibsadaan Alaabooyinka iyo Adeegyadda iyagoo isticmaalaya aaladda Bitcoin.
SIDEY U SHAQEYSAA BITCOIN?
Ugu horeyntii Bitcoin maaha wax aad indhahaaga ku arki karto, taaban karto amaba jeebkaaga aad ku qaadan karto, waa shay khayaal ah (Virtual). Bitcoin waxay kugu soo geli kartaa labba hab mid uun:
In aad marka hore ku iibsan/badalan karto lacagaha qalaad ee aduunka wax lagu kala iibsado sida Doollarka, British Pound-ka iyo kuwa kale ee la mid ah. Suuqyo badan ayaa jira oo lagu kala iibsado Lacagta Bitcoin-ka, suuqyadaasi waxa loo yaqaan “Bitcoin Exchange” Maanta oo ay taariikhtu tahay Salaasa Dec 05, 2017 hal-kii Bitcoin waxa lagu kala iibsanayaa $11,000 waxa xusud mudan in markii aaladdan Bitcoin la sameeyey sanadkii 2009 hal-kii Bitcoin uu qiimihiisu ahaa $0.21. Marka aad Bitcoin iibsato, garo oo waxaad iibsatey qiimaha lacagtaasi/shaygaasi ama awooda uu leeyahay in aad wax ku iibsan karto.
Habka labaad ee aad ku heli karto Bitcoin waxa uu yahay in aad tartan u gasho xalinta halxidhaalooyin-xisaabeed oo aad u adag (complicated mathematical puzzles) adiga oo isticmaalaya Kombiyuutaro awoodoodu aad u sareyso (super fast computers), tartankani waxa uu ka dhaxeeyaa aaladdo badan oo kumbuyuutaro isku xidhan aduunkana ku kala daadsan. Hadaba, hadii aad ku guuleysato inaad noqoto qofka ugu horeeya ee xaliya xisaabaadkaasi aad ka u adag, waxaad ku guuleysan kartaa cadad gaar ah oo Bitcoin ah, habkani waa habka loo Sameeyo/Daabaco lacagaha Bitcoin, suuqyaddana kusoo galaan.
Marka aad iibsato ama aad yeelato Bitcoin, macnaheedu maaha in aad yeelatey wax Dahab ama lacagaha kale la mid ah oo aad taaban karto ama jeebadaada ku qaadan karto ee waa lambarro sir ah oo ku keydsan meel yar (Wallet) ka mid ah kumbuyuutarkaaga ama aaladaha kale ee hadda la isticmaalo sida Smartphones iyo Tables-ka, marka lambarkaasi lagu keydiyo aaladahaaga mid ka mid ah waxa loo yaqaan (Cold Storage), hadii uu lambarkaasi sirta ahi kaa masaxmo suuro gal maaha in dib loo heli karo, qiimahii lacagtana halkaasi ayaad ku waydey, waa sidii oo jeebkaaga daloola lacag ama dahab kuuugu jirey kaa dhacdo sidaasina kaaga lunto. Hadii lambarkani ku keydsan yahay internetka ama cloud-ka waxa loo yaqaan (Hot Storage) waxaanu khatar ugu jiraa in lagaa jabsado/xaddo (Hacking), nambarkan sirta ahi waa ka kaa caawinaya inaad isticmaasho qiimaha Bitcoin.
Marka aad wax ku iibsaneyso Bitcoin, xogta gaarka ah ee qofka sida Magaca oo kale waa mid qarsoon, waxa keliya ee muuqdana waxa uu yahay Nambarkii sirta ahaa ee ku keydsanaa Kumbuyuurtarkaaga ama Internetka. Wax ku kala iibsiga Bitcoin waxa lagu keydiyaa meel dadka oo dhani arki karo loona yaqaan “Public Ledger” magacyadda dadka wax kala iibsada lama arki karo balse nambaraddooda sirta ah ee “Wallet-ka” ayaa la arki karaa.
Hadaba, si aynu intaasi in ka badan u fahano qaabka ay Bitcoin u shaqeyso, waxaynu tusaale u soo qaadan doonaa kala iibsi dhex maraya laba qof oo isticmaalaya Aaladda iyo lacagta Bitcoin:
Tusaale waxaad ka soo qaadaa in adiga oo isticmaalaya Online-ka aad shirkadda ABC wax ka iibsaneyso:
Shirkadda ABC waxay sameesaneysa “Bitcoin Wallet” isla markaasina waxa system-ku sameynayaa Lambar si ah (Private Key) oo ay Shirkadda ABC keliya ogtahay iyo Lambar public ah oo cid walba ogaan karto,
Dabadeed adiga oo iibsade ah isla markaasna isticmaalaya Software-k Bitcoin ayaad fareysaa in “5 Bitcoins” laga wareejiyo “Wallet-kaaga” iyada oo lagu wareejinayo “ABC Wallet”,
Software-ka Bitcoin ayaa si automatic ah u xaqiijin doona transaction-ka isaga oo isticmaalaya lambarka sirta ah ee aad gelisay ee “Wallet”-kaaga ku jirey,
Dabadeed transaction-kii waxa loo gudbin doonaa Kombuyuutaro badan oo isku xidhan oo Bitcoins ah (Bitcoin networks), daqiiqado kadibna waxa laga wareejin doonaa in 5 Bitcoin laga wareejiyey wallet-kaaga laguna wareejiyey wallet-ka shirkadda ABC.
FAAIIDOOYINKA BITCOIN:
Bitcoin waxa ay leedahay faaiidooyin badan oo ay ka mid yihiin:
Lacagta Bitcoin waxa ay ka madax banaan tahay faragelin dawladdu ku sameykarto,
Marka aad lacagta Bitcoin wax ku iibsaneyso, ma jirto khidmad aad bixineyso oo la xidhiidha adeega laguu qabtey,
HAGARDAAMOOYINKA BITCOIN:
Lacagta Bitcoin ilaa hadda la iskuma waafaqsana sharci ahaan sidii loo maamuli lahaa, iyo shuruucdii lagu dhaqi lahaa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *