Search

Bisad Hagi Jirtay Shirkadda Tareenada Dalka JAPAN Oo Dhimatay Iyo Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Oo Ay Dad Badan Ka Soo Qayb Galeen

Warbaahinta Oo Si Weyn Uga Hadashay Sida Reer Japan U Waynaayeen Bisad Sarkaal Sare Ahayad Oo Ka Hawl Gali Jirtay Tareenada TOKYO

Kishi (Foore) – Waxaa dhawaan dalka Japan ku bakhtiday bisad caanka ahayd wadankaasi taasi lagu magacaabi jiray “Tama” taasi oo geerideeda si weyn looga maqlanay wadankaasi islamarkaana Aas qaran oo dad badani ka soo qayb galeen loo dhigay.
Wargeysyada dalkaasi Japan ka soo baxa ayaa maalintii bisadaasi bakhtiday waxa ay bogagooda hore ku soo daabaceen in bisadaasi ay aheyd madaxa xarunta Tareenada Kishi.Geerida Tama kadib ayaa waxaa xarunta u booqasho ku tagay boqolaal shacab ah si ay wax uga ogaan howlihii ay qaban jirtay iyo sida ay xarunta u maamuli jirtay,iyagoo si weyn uga xumaaday dhimashada bisadaasi.
Madaxda Shirkada Tareenada oo lagu magacaabo Wakayama, ayaa xaqiijiyay in Tama ay geeriyootay Isniintii lasoo dhaafay, howshii ay qaban jirtayna ay tahay mid faro badan oo dayacmi doonta,isagoo sheegay inay adag tahay in loo helo bisad kale oo booskaasi buuxisa.
Maamulka sare ee Xarunta Tareenada ay bisadaasi ka hawgali jirtay ayaa sheegay in Tama ay sanad ahaan jirtay 16 ilaa 18 sano, waxaana halkaasi loogu sameeyay aas ay kasoo qeybgaleen dad aad u farabadan oo kala kala yimid daafaha wadanka Japan,kuwaasi oo aad uga murugooday Geerida ku timid bisadaasi.
Sida wararkan bisadani la xidhiidha lagu sheegay intii ay shaqeyneysay Tama waxa ay sameysay maamulo iyo xarumo dhowr ah kuwaasi oo hadda ka shaqeeya xarumo badan oo ku yaala dalkaasi, iyadoo bil walba qaadan jirtay shaqaale badan oo ka caawiya hawsha ay shirkadaasi u qaban jirtay oo u badnaa sii sheegista khataraha ku soo fool leh tareenadu jidadka ay marayaan iyo arimo kale oo mihiim ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *