BREAKING NEWS
Search

Berbera: Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa Kullan La Yeeshay Isku-Duweyaasha Laamaha Dawlada

Hargeysa (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa Shir balaadhan kula yeeshay guriga Martida ee magaaladda Berbera maamulka gobolka Saaxil, maamulka degmada Berbera iyo dhammaan isku duweyaasha laamaha dawlada ee gobolka Saaxil, kuwaasi oo Madaxweynaha warbixin dheer ka siiyay waxyaabihii u qabsoomay Laamaha dawlada ee gobolkaasi.

Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ka hadlay shirkaasi ayaa ka war-bixiyay xaalada guud ee nabad-gelyada gobolka oo uu ku tilmaamay mid aad u fiican isla markaana aanay wax dhibaato ahi ka jirin.

Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay inay awooda saareen sidii loo dar-dar gelin lahaa xafiisyada laamaha dawladda ee gobolka Saaxil isla markaana loo xoojin lahaa wada shaqayntooda oo uu ku dooday inay u suurto-gelisay waxqabad iyo horumar balaadhan oo gobolkaasi ka hirgalay labadii sano iyo dheeraadkii ay jirtay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Maayarka Magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab, ayaa isna ka hadlay mashaariic badan oo ay ka hirgeliyeen magaalada Berbera labadii sanadood ee la soo dhaafay, kuwaasi oo ay ugu weyn yihiin wax ka qabashada kaabeyaasha dhaqaalaha sida labaataneeye Waddo iyo hirgelinta Garoonka weyn ee kubadda cagta ee dawlada Hoose ee Berbera dhistay ee Madaxweynuhu furay.

Maayarku waxa uu uga mahad celiyay Madaxweynaha inay xukuumadda dhexe ay Golaha deegaanka ka taageeraysay kuna gacan siinaysay dhismeyaasha wadooyinka iyo dhismaha Stadium-ka cusuba.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay iskuduweyaasha laamaha dawladda ee gobolka Saaxil, kuwaasi oo tafaasiil uga bixiyay qodobadii u hirgalay labadii sanadoo ee la soo dhaafay gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, xanaanada xoolaha, biyaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. waxaanay sheegeen inay kor u qaadeen dakhliga cashuuraha ee gobolka Saaxil isla markaana ay rajaynayaan inay ka sii badiyaan sanadkan fooda inagu soo haya 2013-ka.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay shirkaasi ayaa masuuliyiinta maamulka gobolka, degmada iyo madaxda laamaha dawladda uga mahad celiyay warbixinta ay ka siiyeen adeega ay bulshada u hayaan. Waxaanu tilmaamay in mashaariicda horumarineed ee gobolkaasi laga fuliyay ay ka turjumayso horusocodka waxqabadka xukuumadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ammaan balaadhan u jeediyay maamulka gobolka iyo ka degmada Berbera, waxaanu tilmaamay in wada shaqaynta iyo isku xidhka wanaagsan ee ay sameeyeen suurto-geliyay waxqabadka ay la yimaadeen labadii sanadood ee xukuumadiisu jirtay.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in gobolka Saaxil ka mid yahay Gobolada mashaariicda ugu badan laga fuliyay labadii sano iyo dheeraadkii xukuumadiisu jirtay, waxaanu u soo jeediyay in loo baahan yahay in waxqabadka la sii laban laabo sanadkan fooda inagu soo haya.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumadu sii xoojin doonto horumarka gobolka Saaxil.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu kula dar-daarmay madaxda laamaha dawlada gobolka Saaxil inay sii adkeeyaan wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Shirkan waxa goob joog ka ahaa Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Madaxtooyada, Arrimaha gudaha, Wershadaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Afhayeenka madaxtooyada, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *