Berbera: In Ka Badan Boqol Kun Oo Neef Oo Ka Dhoofay Dekedda Berbera

Berbera, (Foore)- Xoolo ku dhaw boqol kun oo neef ayaa maanta ka dhoofay Dekeda magaalada Berbera, kuwaasoo u sii jeeda dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Dhaqdhaqaaqa dhoofka xoolaha nool oo todobaadyadii u dambeeyey aad looga dareemayay Dekeda magaalada Berbera iyadoo ay u dhoofayaan dalka Sucuudiga, waxaana maalintii shalay Dekeda Berbera ka dhoofay markab qaaday xoolo gaadhaya ilaa boqol kun oo neef oo isugu jira geel iyo adhi.

Markab ka mid kuwa ka dhaqaaqay dekeda Berbera ayaa qaaday 85 kun oo neef oo adhiya iyo 137 kun oo neef oo geel ah. Iyadoo sidoo kale dekeda magaalada Berbera ku xidhan yihiin maraakiib sugaya inay xoolo ka qaadaan dekeda magaalada Berbera., isla markaana ay geeyaan dalka Sucuudiga iyo waliba wadamada kale ee loo iib geeyo xoolaha.

Isuduwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Gobolka Saaxil Cali Maxamuud Guuleed Diiriye oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Berbera ayaa waxa uu sheegay inay xoolo aad u tiro badani ka dhoofeen dekeda magaalada Berbera bilihii aynu soo dhaafnay, waxaanu yidhi. “Caawa oo kale dekeda Berbera waxa ka dhoofaya markab qaadaya 85 kun oo neef oo adhiya iyo 137 kun oo neef oo geela, waxa kale oo isaguna xidhan markab qaadaya 30 kun oo neef oo adhi ah. Intaa waxa dheer ilaa bishan kowdeedii waxa naga dhoofay xoolo dhan ilaa iyo 280 kun oo neef oo adhi ah.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *