BREAKING NEWS
Search

Beelaha Arab-Bari Oo Taageero Miisan Leh Isla Barbar Taagtay Waddani Iyo Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Kulmiye Iyo Xukuumadiisa

Burco, (Foore)- Taageerayaasha Xisbiga Waddani Ee Beelaha Arab Bari ee gobolada Bariga Somaliland ayaa Munaasibad balaadhan oo ay taageero ugu muujinayeen Xisbiga Waddani ku qabtay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Munaasibadaasi ayaa waxa khudbado qiimo leh uga jeediyey masuuliyiinta xisbiga Waddani oo uu horkacayo Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde. Mr Jirde ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu kaga duwan yahay asxaabta kale in aan la isku abtirin xisbiga dhexdiisa, waxaanu sidoo kale tilmaamay in Kulmiye Kulmiye ku badal ay macneheedu tahay Tiin Tiin Ku Badal Waa Tacab Khasaar “Xisbiga Waddani muxuu asxaabta kale kaga duwan yahay, xisbi la isku abtiriyo maaha, lama yidhaa reerkeed ka timid labadii xilee xisbiga Waddani u sareeyey aniga oo Gudoomiyaha Ku Meelgaadhka ah iyo Xirsi Xaaji Cali Xasan oo hogaamiyaha ah ayaa nalagu maamuusay iyadoon intaas oo beelood nooga soo horaysay, lama odhan xageed ka timaadeen, yaad ahaydeen yaad u dhalateen nalama odhan. Waxa se aynu arkaynaa Kulmiye in la isku abtirinayo oo reer hebel iyo reer hebel ah, markaa labada xisbi sidaas ayay ku kala duwan yihiin.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani, waxaanu intaasi ku daray “ Salaan waxaan idiinka sidaa Murashax Cabdiraxmaan Ciro iyo hoggaamiyihii xisbiga oo shaqo xisbigu leeyahay Addis Ababa ugu maqan, salaan bay ii soo kiin fareen salaantaana waad iga gudoomaysaan. Gobolka Togdheer iyo Burco waa halkii ugu taageerada badnayd Kulmiye ee soo saartay, warna dhafoor buu ku yaalaa, siday Burco tahay ayaa idinku filan wax abaal gud ah lagama hayo, waxqabadna haba sheegin.
Maanta dalkii waa la xaraashayaa, dekediibaa la xaraashay, airports-kiibaa la xaraashay, haamihiibaa la xaraashay, Burcana waad arkaysaan oo idinkaa nooga war roon.
Hadaynaan farteenaa ku badalin Kulmiye, waxba dalka loogu iman maayo, waa heshiis la gaadhay, waxa la ogyahay inaan la soo noqonayn, waxa la ogyahay inaan cid dambe dooranayn, markaa intii laga sii gaadhsiin karayoba waa laga sii gaadhsiinayaa.
Mustaqbalka Caruurtiina iyo ubadkiina ayaa la rahmayaa, qabyaaladii ayaa dib la inoogu soo noolaynayaa, reerihiibaa la isku xoqayaa, waxa weeyi Somaliland halkii laga aasaasay ee ay ka dhisantay ee lagaga dhawaaqay waa Burco.
Burco waxa weeyi adhaxda Somaliland, adhaxdu waxay isku xidhaa xubnaha jidhka, qaarka sare iyo qaarka hoose, marka Burco sidaa loogu tuntay ee Burco sidaa la yeelay maxaa u hagaagaya. Gobolkan Togdheer wuxuu deris la yahay laba gobol oo kale oo waaweyn oo la hagraday oo Sool iyo Sanaag ah, gobolkani waa gobolkii isku xidhi jiray saddexdaa gobolba, waa gobolkii ganacsiga xoolaha caanka ku ahaa, waxaanu filaynaa illaahay idankii inuu noqon doono xarunta marka shidaalka la soo saaro inuu noqon doono xarunta ganacsiga shidaalka laga maamulo in Burco noqon doonto, ku abshira Burco sidaa u cawlaan mayso, deegaanada ku xeerani sidaa ahaan maayaan. Waxa weeyi maanta qadiyadeenii gooni isku taaga ee ictiraafka aduunka aynu ka raadinaynay waa la soo ooday qol yar oo Wasaarada Arimaha Dibada ku yaalay ayaa lagu fayl-gareeyey, waxa inoo yimid cahdigii Rayaale Madaxweyneyaashii Afrika ninkii ugu miisaanka badnaa Kenef Kaunde ayaa la odhan jiray Zambia ayuu ahaa, hormood ayuu ka ahaa ictiraafkeena, waxa inoo raacay madaxweynihii hore ee Ghana, waxa isna tuurta u ritay madaxweynaha hada ee Koonfur Afrika, halkii ayaa lagaga soo hadhay, maanta meel aynu ku haysano magac iyo maamuus ma jirto. Xidhiidhkii aynu Ethiopia la lahayn ayaa soo xidhmay, wax alayaale iyo wax ay kaga tala galaan nimankan xukuumada Kulmiye ayay garan waayeen. Nin aanu saaxiib nahay ayaa waxa uu yidhi ‘Kulmiye Kulmiye Ku Badal Waa Tiin Tiin Ku Badal Waa Tacab Khasaar” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde, G/K/mee-gaadhka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *